By: Mastar //  Jul 13 2012 at 7:26 pm //  8,963 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Dhacdo layaab leh oo ka dhacday Magaalada Muqdisho “Intaad nooshahay wax kasta filo”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilliyadii ugu dambeysay ka dhacaayay dhacdooyin layaab leh oo si weyn u saameynaayay shacabka Soomaaliyeed, ilaa ay gaaraan heer ay ku sheekeystaan.

Waxaa Magaalada Muqdisho ku aqal-galay lamaane Soomaaliyeed oo muddooyinkii ugu dambeysay si weyn isku jeclaa, kuwaa oo iyagu go’aan ku gaaray in jaceylkooda ay u bedelaan mid guur ah, si’ay uga dhabeeyaan jaceylkii ay isku qabteen.

Markii loo-balansanaa in la-mehriyo gabadhii la-guursanaayay ayaa waxay goobtii lagu mehrinaayay ay ka sheegtay, in meherkeeda looga dhigay inaan lala guursan qof kaloo dumar ah, haddii wiilka jecel uu doonaayo.

Dadkii meesha joogay oo arintaasi layaabay ayaa waxay markale ay lasii yaabeen, markii wiilkii gabadha guursanaayay uu ogolaaday in meherkeeda uu uga dhigaayo inuusan naag kale la-guursan “Waa Yaabka Yaabkiisa”.

Reer Muqdisho ayaa waxay hadal-hayaan dhacdadaan oo ka dhacday Magaalada Muqdisho, waxayna ku sheegeen arin aan horey uga dhicin Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, ayna tahay markii ugu horeysay oo ay ka dhacdo.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments