Madaxweyne Shariif oo magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Soomaaliyeed (Aqriso)
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu maanta uu magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Soomaaliyeed, isagoona u soo magacaabay Xildhibaan C/Laahi Axmed Afrax, oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa Gudoomiyaha Bankiga Horumarinta Soomaaliyeed loogu magacaabay Xildhibaan C/Laahi Axmed Afrax.
Waxayna wareegtadu ay u qorneyd sidaan:-
Xeer Madaxweynaha J.S LR. 236 taariikh 07/7/2012
Magacaabid guddoomiyaha Bangiga hormarinta Soomaaliyeed
Madaxweynaha J.S
Markuu arkay; qodobka 39 aad farqada 2aad iyo qodobka 44aad farqada 1aad xarafka “E” ee axdiga fKMG Soomaaliyeed.
Markuu arkay; xeerka LR. 25aad ee 30/4/1970
Markuu arkay; xeerka sharciga ee shaqaalaha rayidka dowladda Lr. 11 ee soo baxay 5 desember ee 2006.
Markuu arkay; xeerka Madaxweyne Lr. 130 ee 22/4/2012 kuna saabsan sharciga bankiga dhexe iyo sharciga hay’adaha maaliyadda ee Soomaaliya.
Markuu tixgeliyay soo jeedinta wasiirka koowaad ee xukuumadda FKMG kuna xusan warqada tixraaca Lr. X.R.W 680 06/2012 ee 19/06/2012.
Wuxuu soo saaray xeerkan
Qodobka 1aad
Waxaa maanta oo ah 07/07/2012 loomagacaabay Prof Cabdulaahi Axmed Afrax jagada guddoomiyaha bankiga hormarinta Soomaaliyeed.
Qodobka 2aad
Mudanaha ku tilmaaman xeerkan waxaa lagu maamuusayaa xuquuqda iyo waajibaadkiisa sida uu qabo xeerka sharciga shaqaalaha rayidka Lr 11 ee soo baxay 5 desembar 2006 .
Qodobka 3aad
Xeerkaan waxa uu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee jamhuuriyadda.
|
|


Print
