Arooska loo-yaqaano Aan Isku Moodno oo maal-mahaan si xowli leh ugu soo badanaaya Magaalada Muqdisho
Magaalada Muqdisho ayaa waxay maal-mahaan la-foolaneysaa aroosyo fara-badan, iyadoo dhalinyarada wiilashada iyo gabdhaha ee iskaabulada ah, ay ku mashquulsan yihiin sidii ay uga bixi lahaayeen kili ahaanshaha.
Marka ay soo dhaw dahay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu arkaa arooska ay reer Muqdisho ugu magac-dareyn “Aan Isku Moodno”, haddii si kale aan u dhahana waxay reer Muqdisho ay u yaqaanaan Faadumo Soon Qaad.
Inta badan dhalinyarada ayaa waxay aroosyadaan ay ku doorteen inay bisha barakeysan ee Ramadaan ay uga baxaan kili ahaanshiyaha, si’ay u helaan lamaane ay la-wadaagaan Afurka iyo Suxuurta, waana tallaabo wanaagsan oo ay horey u qaadeen dhalinta reer Muqdisho.
Xaafadaha Magaalada Muqdisho kolka aad dhex mareyso ayaad arkaysaa guryo badan oo aroos kajiraan halka xiliyada galbihiina aad laamiyada ku arkeyso gawaari fara badan oo kala gadisan oo galbinaysa aroosyo kala duwan.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la-dhihi karaa waxay maal-mahaan ay marti u tahay arooska ay reer Muqdisho ugu magac-dareyn “Aan Isku Moodno”, taasoo ka dhigan in labada lamaane ay isku baahan yihiin.
|
|


Print
