By: Mastar //  Jul 09 2012 at 3:22 pm //  2,612 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Dhacdooyin xanuun badan oo ku habsaday Ummada Somaliyeed “Wax badan ka ogow”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Umada somaliyed waa mid u nugul dhibaata kasta una jilcan cadawgeeda , umad mar hadii ay kala habaawdo waxa ay noqotaa mid aad u tabar yar , Umadeena qaaliga ah waxa ay soo martay dhibaatoyin aad u fara badan taas oo ay kala kulantay dhinac kasta oo nolosha ah .

Aqristaha sharafta lahow aan kuu baaro Xusees qoraheyga , si aan isula aragno dhibaatada ka dhex jirta umadeena Somaliyed ,

August 2006 waxaa xaafada towfiiq ka dhacay shil gaari , waxaana isku dhacay laba ka mid ah gawaarida ka shaqeeysa Black sea ilaa xaafada suuqa xoolaha . shilka markii uu dhacay ilaah qadartiisa dad badan wax kuma gaarin , lkn waxa meshas ku wax yeeloobay mid ka mid ah Kirish booyadii (daba ka fuul ) labada gaari ,kaas oo an ku qiyaasay 27 jir , marki xaalkiisu aad u darnaaday ayaa mid ka mid ah dadki mesha yimid waxa uu ku dhehay

Si ay qaatimada kugu fiicnaato لا اله الا الله , محمد رسول الله

Lkn afkiisa waalaga waayay wax aan eheen Suuqa xoolaha , Huriwaa , iyo Ex-control nafta ayaana ka baxday

April 2007 , maalin Isniin ah waxaa masaajid ku yaala bakaaraha , gaar ahaa dhanka ku dhacda soo hor fariistay nin waayeel ah oo ku celcelinaa baahi ayaa I heysaa , lkn nasiib xumo cid u jawaabta waala waayay , dadki oo dhana waxa ay u maleeyen mid dadka ku beer laxawsanaya sida laga bartay dadka ka tuugsada masaajida muqdisho , lkn salaadi casir wax yar ka how waxa la ogaaday in ninkii naf baxay , oo uu baahi u dhintay.

Decembar 2007 habeen Isniin ah ayaa waxaa salaada maqrib wax yar ka dib madfac kusoo dhacay xaafada suuq bacaad gaar ahan jidka janaraal Da’ud , Madfaca aya ku habsaday qoos ka mid ah dadka magaalada muqdisho kuwa ugu danta yar , kuwaas oo degana guryaha loo yaqaano Hoomeyga (bush buushka) , qooska ayaa ka koobnaa Lix caruur ah , hooyo iyo aabe , Habeenkaas uu mafdaca soo dhacaayo waxa guriga joogay ilmihi iyo hooyadi iyo 2 nin oo ilmaha abti u ahaay , nasiib wanaag aabaha waxa uu ku maqnaa xiligaas beteri uu raadiye ku dhegeysan rabay , ilaah waxa uu qadaray in ay maashaas ku nafwaayan dhamaan qooski waxa guriga joogay markii lagu daro canug yar oo ay hooyadu uurka ku siday , mar ay tahay habeenkii 11:00 ayaan imaaday meshi musiibadu ka dhacday , ilaa waagu ka baryana hilbihi madfacu jir jaray ayaan yaanyuurada ka celineeynay .

2009 Gabar Somaliyed oo ah dhaqtarad da’yar ayaa ku nafweysay Caasimada dalka Sudan ee Khartoum , gabdhaan ayaa ka qalin jebisay mid ka mid ah jamacadaha Sudan , iyada oo baratay Caafimaadka , lkn Qadarta alle ayaa ku habsatay oo iyada oo aan weli ka bixin wadankii ay wax ka baratay ayaa waxaa gaari ku dilay mid ka mid ah laamiyada magaalada .


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments