Xisbi la tartama Ikhwaanul Muslimiin oo la yiraahdo Ikhwaanul Masiixiyiin oo lagu dhawaaqay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar …
2 Maalin ka hor dalka Masar waxaa looga dhawaaqay Xisbi lagu magacaabo Ikhwaanul Masiixiyiin oo sida magaca uu ka muuqday looga danleeyahay in ay la tartamaan Ikhwaanul Muslimiin.
Xisbigan Ikhwaanul Masiixiyiin ayaa looga dhaawaqay maalinta Sabtida ahayd magaalada Qaahira , waxaana xisbigan si weyn looga hadal hayyaa guud ahaan dalka masar iyo Warbaahinta gudaha iyo dibadda dalkaas.
Wargeysyada ugu waa weyn ee kasoo baxa dalka Masar ayaa waxa ay cinwaan Far waa weyn kusoo qoreen boggooda hore ” Ikhwaanul Muslimiin V.s Ikhwaanul Masiixiyiin”, taasoo ay ula jeedaan tartan cusub oo furmay.
Xisbigan cusub ee loogu magac daray Ikhwaanul Masiixiyiin ayaa waxaa aas-aasay Baadariyaasha ugu waa weyn dalka Masar, waxa ayna Baadariyaashu sheegen in Xisbigooda cusub uu yahay Xisbi Siyaasadeed.
Hogaanka Xisbigaas oo aan wali la dooran lakin loo maleeynayo inuu noqdo Micheal Fahmy oo ah Baadari weyn ayaa waxa uu sheegay in xisbiga Ikhwaanul Masiixiyiin uu yahay Xisbi ka shaqeyn doona Cadaaladda iyo Sinnaanta dalka Masar.
Micheal Fahmy waxa uu sheegay in Xarumo cusub ay ka furan doonaan Gobolada dalka Masar, Wadamo ku yaal qaaradda Yurub iyo Qaaradda ugu dambeeysa adduunka ee Australy.
Furashada Xisbiga Ikhwaanul Masiixiyiin ayaa kusoo beegmaya xilli Xisbiga Ikhwaanul Muslimiin ay ku guuleysteen doorashada dalka Masar hogaamiyahoodii Dr Maxamed ka Mursi.
Waqtigii uu xukunka hayyay Madaxweynihii Maxamed Xusni Mubaarak lama ogoleen in Xisbi ay ku buhoobeen baadariyiinta dalka Masar la furto lakin hadase wax walbo waa Free, Doorashada soo socotana wey ka qeyb galayaan Xisbigan.
|
|


Print
