Xaaskeyga waxay iiga xishood siisay si niyad leh “Qiso cajiib badan”
Inkastoo uu kusoo wareegay caalamka oo dhan , oo aan qariidada caalamka laga heleeynin , wadan ku cusub DR khaalid , ilaa ay diyuuraduhu u noqdeen sida gawaarida oo kale hadana Xaaskiisa Saara waligeed ma aysan fuulin diyaarad ilaa cawada mooye , oo ay u socoto Riyaad ilaa tehraan labaatan sano oo ay xaas u eheed ninkeeda DR khaalid , saacad markii uu jardiinka barandada u fadhiyay Dr khalid xaaskiisa Saara waxaa ay soo baxday iyada oo boorsooyin keedu ay u dhameys tiranyihin , gaarigi ayeeyna kusoo dheceen Saara waxaa wehliyay wiilkeeda curadka ah ee hashaam si uu muxrax ( ruux aan ajnabi ka eheen ) ugu noqdo hooyadiisa , gaarigi waxa uu kasoo dhaqaaqay riyaad isaga oo kusoo wajahan magalada damaam si ay u haleesho saferkeeda duulimaad , garoonkii marki la yimid ayaa waxa maca salaamo isugu dhaqaaqay DR khaalid iyo Saara , waxaa kale ee uu la balamay DR khaalid wiilkisa hashaam isaga oo ku dhahay hooyo aad uga war qab adiga ayaa booskeyga jooga ,
Waxaana dib usoo laabtay DR khaalid isaga oo soo kaxeestay gaarigiisi , isaga oo ay ka guuxeyso qalbigiisa cidlada ee uu guriga kala kulmi doono iyo sida uu howlaha guriga u maareyn lahaa , waxa uu isku hilmaam siiyay dareenka murugada leh ee uu dareemaayo canjalad hees ee igu jirtay gaariga , DR khaalid ma eheen nin xaaskiisa aad uga war qaba oo ay isku sheeka yihiin , waxa keliya ee ka dhexeeyay ayaa ahaay xaas nimada iyo in ay ilmaha u koriso , oo ay dharka u dhaqdo , oo ay cuntadana u kariso ,
Saara diyaaradi ayeey ku dhacday si ay u bilaabato jaaniskeede dalxiis keedi ugu horeeyay waxa ay bilaawday wax kasta oo ay aragto in ay maskaxda ku duubto , diyaarada , nalalkeeda , kuraasteeda , TV yadeda , cuntadeeda , dumarka Hostingka ka shaqeeya , dharka ay wataan , hawada diyaarada dhex jeexeyso , Saara sidaas ayeeyna wax kasta u duubeysay ilaa ay soo dhameysatay fasaxeedi damaashaadka oo ay ku tagtay maagalada madaxda Dalka Iran ee Tahraan ,
Habeenki ay kasoo degtay garoonka waxaa dib usoo dhoweeyay seygeeda DR khaalid , marki ay kasoo dhamaadeen howlihi garoonka diyaarada waxa ay soo koreen gaarigooda oo awelba banaanka u yaalay , lkn Saara afka ayeey furatay iyada oo dib ugu shiday wax kasta oo ay soo aragtay seygeeda DR khaalid , isagana waxa si ay ku jirto layaab iyo amakaag ayuu uga dhegeysanaayay sheekadeeda isaga oo ay ula mid tahay in ay uga sheekeysneyso wax uusan waligiisaba arag
Waxa ay guda gashay in ay u sifeeyso diyaarada iyo sida ay hawada ugu dhex duushay , iyada oo ugu tilmaameysa labadeeda gacmood , DR khaalid oo indhaha la raacayo gacmaheeda sida uuba daawana diyaarad duule , waxa kale oo ay uga sheekeysay Badii ay soo aragtay oo aysan abadkeed indheheeda saarin , iyo sidi ay ugu sirantay biyaha Bada oo ay u dhedhemisay ,
Waxaa kale oo ay guda gashay in ay u sifeeyso iyada oo indheheeduna ay cabirayaan layaab iyo farxad wada jira Laamiyada , Hotelada , Dadka , Dhagaxda , Carada ,Maqaayadaha ay kusoo aragtay magaalada Tehraan , iyo sida Badu ay u gadgadoomeysay sidii rati daal dhacsanaa , , iyo sida ay gacmaheeda u dhex gelisay biyaha bada , iyo weliba sida Bada habeenkii ay madoow u noqonee oo ay maalinti buluug u tahay , iyada oo dul saartay calaamad su’aal adag sababta ay ku dhacday in Badu sidaa isu bedesho is bedelka waqtiga .
Waxa kale oo ay u sheegtay DR khaalid in Nin ka mid ah raga ugaarsada Malaayga uu siiyay malaay nool oo yar , lkn ay u beer jileecday oo ay u deeysay iyada oo fiirineysa in ay hooyadi dhashay malaayga ay tebi doonto , waxa kale oo ay dhahday iyada oo qosleysa hadii anan xishoon leheen DR khaalidow waxa aanu Bada xeebteeda ka dhisi lahaa guri sida ay sameeynayeen ilmihi aan xeebta ku arkay .
Inta wax mihiim ah soo xasuusatay Saaro ayeey hal mar shib dhahday waxa ayna hadan si kedis ah u dhahday DR khaalid waxaan kaa hilmaamay in aan kuu keenay hadiyay , boorsadeeda oo dhabta u saarneed ayeey laacday oo ay kasoo bixisay dhalo catar ah iyo shukumaan sajal ah , waxa ayna dhahday ,,, tani waa hadiyo aan kaaga keenay meeshi aan tagay ee iga gudoon , catarkan waa midka aad ugu jeceshahay dunida , shukumaankana waxaan ogaay kaagi hore in uu kaa dhamaaday oo aad caajis nima awgeeda mid cusub usoo gadan weysay ,
Waxa ay ku sigteen indhaha DR khaalid in ay ilmeeyaan marki ugu horeysay noloshiisa waa marki ugu horeysay ee uu dareemaayo jaceylka xaaskiisa ay u qabto , isaga waxa uu kusoo wareegay dunida oo dhan lkn maalina uma uusan keenin wax hadiyay ah , waxa uuna raacay dhamaan shirakadaha duulimaadka diyaaradahooda oo dhan maalina ma uusan kexeen xaaskiisa Saara , maxa yeelay waxa uu aamin sanaa in ay tahay jaahilad aan waxba qorin waxna aqrin , oo aysan wax faa’ida ah aysan leheen in safar loo kexeeyo
Laakiin waxa uu hilmaamay in ay tahay bilaaw iyo dhamadba banii’aadan , banii’aadan nimadeed waxa ay hada kasoo iftiime hortiisa , qalbigi ayaa gariiray DR khaalid isaga oo arkaayo in ay u keentay hadiyad oo aysan hilmaamin halkii safar oo ay nolosheeda baxday ,ala farqiga u dhexeeya weyni badanaa lacagtii uu siin jiray labaatankii sano oo ay xaaska u eheed iyo hadiyada yar oo ay u keentay , taas oo ay uga keentay halkeedi safad oo keliga ahaay oo hadana ogaanka ahaay .
Shukumaankii keliya ayaa u dhigma wixi hanti uu siin jiray , sababto ah hantida uu siinjiray waxa ay eheed waajib , lkn hadiyada uu shey kale .
waxa uu dareemay cariiri qalbiga ah , isaga oo arka ruuxan sabirka badan oo u dhaqeysa dharka , u diyaarineysa cuntada , u dhaleysa ilmaha , lana qeybsaneysa qeybaha kale ee nolosha , una soo jeedeysa habeenkii oo dhan hadii uu dareemo wax yar oo jira ah ,
Waligeeda qalbigeeda kuma aysan soo dhicin in ay maalinadhahdo ii wadi meesha aad u safarto , amase ay weydiiso meesha uu safarka u yahay ?! maxaa yeelay maskiinta wax ay ka arkeysay kor , maxaa yeelay waa nin cilmi leh , oo ku karaameysan maalka uu leeyahay , lkn maanta waxa uu u mooqda nin faqri ah oo aan leheen qalbi dareema xanuun iyo denbi midna , waxa uu u muuqda DR khaalid nin xabisay ruux banii’aadan ah oo aan wax denbi ah leheen labaatankii sano ee uu qabay .
Waxa uu uu soo qaaday DR khalid gacantiisa si uu isaga tiro ilinta ka daadane indhihiisa , waxa uuna dhahay eray uusan waligiis maleyneynin in uu dhihi doono , kaas oo ah waan ku jeclahay , waxa uuna ka dhahay qalbigiisa , Saara waxa ay joojisay gacmaheeda oo ay ku gedgedineysay boorsada , waxaa kale oo ay joojisay faruuryaheedii oo ay caawa oo dhan ku daldalmeysay , waxa ay dareentay in ay gashay safarkale oo ka macaan safarkii Damaam , Bada iyo Tahraab.
waa Safarkii jaceylka taas oo u bilaabatay labaatan sano marki ay xaas eheed , kana bilaabatay eray run ah markaas ka bacdi waa ay is heyn weysay waxa ayna la dhacday ooyin .
|
|


Print
