By: Mastar //  Jul 08 2012 at 7:48 pm //  970 Reads  // Wararka Somalia

General Cismaan Faalko oo shaaca ka qaaday in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxtinimada “Daawo Video”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Iyadoo ay isa soo tarayaan musharaxiinta dooneysa inay ku guuleystaan xilka Madaxtinimada ee Somaliya, ayaa waxaa xilligaan xilkaasi isku soo taagay General Cusmaan Faalko.

General Cusmaan Faalko oo ka mid ahaa Saraakiishii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa wuxuu ku dhaawaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada ee dalka Soomaaliya, oo lagu wado in 20-ka bisha Agosto ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.

Xaflad ballaaran oo xalay lagu qabtay Magaalada London ee Cariga Ingiriiska, ayaa wuxuu General Cismaan Faalko uu kaga dhawaaqay in uu yahay musharax, isagoo dhinaca kalana sheegay inuu diyaar uu u yahay, in uu wax ka qabto xaaladda cakiran ee dalka ka taagan.

Daawo Video


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments