Anigoo ifka ugu jecel ayay i cidleysay “Dhacdo Xanuun Badan”
Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lammaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo: Shuceyb-yare iyo Xafso. Shuceyb yare ayaa xiriir lasoo sameeyay wariyayaasha barnaamijka xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo ka hawlgalla Shabakadaha Caalamiga ah ee Radioxamar.com iyo Dhacdo.com, wuxuuna inooga warramay sidii ay wax u dhaceen, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-
“Waxaan ku dhashay kuno soo barbaaray magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Wardhiigley qaasatan xaafada Cali-kamiin.
Reerka aan ka dhashay waxey iska ahaayeen kuwo iska sabool ah oo hanti sidaa u buuran aan heysan, aniguna waxaan ahaa wiilkooda curadka ah, dantuna waxey igu qasabtay inaan labada galin waqtina wax barto waqtina aan shaqeeyo ,xaaladda noocaas ah ayaan dugsiga sare ku dhameeyey kadib waxaan furtay dukaan lagu iibiyo alaabta loo yaqaan bagaashka iyo cuntada quutul daruuriga ah aniga oo nolosha noocaas ah ku sugan oo iskaga nool magaalada Muqdisho ayaa sanadkii 2006-dii waxaa dalka soo galay ciidamadii Itoobiya.
Waxaana magaalada ka bilawday dagaallo aad u xun waxaana ka mid noqday dadkii ay saameynta xun ku yeesheen dagaalladaasi haddey ahaan laheyd mid nafeed iyo mid dhaqaalaba, waxaana halkaasi ku burburay ganacsigii yaraa ee aan xaafadda ku lahaa, intaa kaddib, waxaan go’aansaday inaan waddanka iskaga hayaamo.
Waxaana safar dhanka dhulka ah kusoo maray xudduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Keenya aniga oo muhiimadeydu aheyd inaan gaaro dalka South-africa si aan uga shaqeysto safarkaas oo waliba ahaa kii iigu dhibka badnaa oo aan abid arko ayaan ugu danbeyntii waxaan soo gaaray caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Si kastaba ha ahaatee, meysan jirin cid aan ku tashanayay iney igu soo dhaweyso magaalada Nairobi oo iiga soo horeysay laakin, anoo wali taagan meshaan uga dagay baabuurkii magaalada i keenay qoraxduna ay sii dhaceyso, saameynta safarkana la iga dareemayo ayaa si lama filaan ah waxaa iigu yimid gabar lagu magacaado Xafso waxeyna igu tiri, “aboowe ma hadda ayaad magaalada soo gashay?” Waxaan ugu jawaabay, “Haa abbaayo waliba cid kama aqaanno meeshan.” Markaasey igu tiri, “Hadaan xaafaddeyda ku geeyo maxaad ka qabtaa?” Waxaan haddana ugu jawaabay, “Waxbana abbaayo waana mahadsan tahay.”
Intaa kaddib, waxaaan gaarnay xaafaddii ay Xafso ka daganeyd Magaalada Nairobi, halkaasi oo si diirran la iigu soo dhaweeyay waxaana nasiib u yeeshay inaan ka mid noqdo dhallinyaro dhowr ah oo xaafadda daganeyd.
Muddo kaddib markaan magaalada la qabsaday oo aan bilaabay inaan bulshada dhexgalo, ayaan Xafso si-wanaagsan u sheekeysannay waxaana noqonnay kuwo bulshada inteeda kale ka duwan oo lala yaabay sida aanu u sheekeysanno iyo sida aan isku dabeecad fahannay.
Run ahaantii Xafso waxey aheyd qof aad iyo aad isoo jiidatay waliba gacan-furnaashadeeda iyo dabeecaddeeda, sababtoo ah aniga wax hanti ah gacanta kuma hayn laakin, iyada ayaa magaalada igu heysay haddey ahaan laheyd dhanka “Shopinka” iyo wax walba oo aan u baahnaa.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalinba maalinta ka danbeysa sii siyaadayay wanaagga iyo is fahanka naga dhexeeyey aniga iyo Xafsa iyadoo ay sheekadu halkaasi mareyso, ayaa habeen habeennada ka mid ah Xafso si kadis ah iigu tiri, “Shuceyb-yare, aboowe jaceyl xad dhaaf ah oo intaas aan kaala xishoonayey ayaan kuu qabaa ee fadlan wax ila qabo hadalkeygana xumaan ha u arkin”.
Halmar ayaa xaadda oo dhan I istaagtay! Waxaan ku jawaabo ayaan garanwaayay! Meel la iga jiro ayaan garan waayay! Waayoo, hadalkaas maanan fileyn balse, si dagganaan ah ayaan ugu jawaabay xafso kuna iri, ” Waayahay oo waan kaa qaatay abbaayo.”
Waxaana halkaasi inooga bilawday aniga iyo Xafso xariir jaceyl oo ku dhisan kalsooni iyo farxad iyo waliba is qaddarin waxaanu wada joognayay dalka Keenya muddo 2 sano ah.
Intaa kaddib, Xafso waxaa usoo baxay sharci ay ku aadeyso dalka Holand markey ogaatay iney Keenya ka tageyso, ayey igu dhiirrigalisay maaddama uusan jirin wax Line ah oo ii xareysan oo aan sugaayey inaan meesha iskaga tago oo aan Tahriib dhanka dhulka ah maro waliba iyadoo lacag dhowr kun oo doollar ah gacanta ii galisay si aan Yurub iskugu tagno oo aan halkaasi wixii inoo dhiman ugu dhameystirano laakin, hadalka noocaas ah aniga waa ii cuntami waayay maaddaama aan cid baahan kasoo tagay oo waliba aan anigu curad u ahay oo aysan jirin cid aan Alle aheyn oo u maqan.
Balse wadahadal dheer kaddib, Xafso waxey igu qancisay inaan hadalkeeda qaato waxaana tahriib dhanka dhulka ah ku gaaray ilaa dalka Sudan oo aan dib iskaga soo laabtay markaan arkay dhibaatada ka taagan saxaraha u dhexeeya Sudan iyo Liibya waxaana dib ugu laabtay magaalada Muqdisho halkaas oo aan kasoo bilaabay tahriib cusub kuna gaaray dalka Yaman.
Intaa kaddib, anigoo habeen habeennada ka mid ah ku sugan guri aan ka daganahay xiro qaxooti oo Yaman ku taalo, ayaa waxaa weerar igu soo qaaday wiilal ay qaraabo kore yihiin Xafso oo iyaguna xerada dhinac ka daganaa kuwaasi oo si xun ii jirdilay iyagoo waliba ku dhawaaqayay markey i jirdilaayeen “Waa sixiroole gabadha wuu naga sixraday, iyo maxaa u geeyay gabar la qabo ma magaalada ayuu naag ka waayay garaac ninka balaayo haku dhacdee!”
Dad ayaa nagu soo baxay waana la iga qabtay nimankii aniga oo aanan ogeyn sababta la igu dilay iyo cidda aan danbiga ka galay ayaa waxaa ii yimid wiil aan saaxiib aheyn oo sheekada soo maqlay kaasoo igu yiri,
“Sababta laguu dilay miyaad garaneysaa Shuceyboow?” “Maya” ayaan ku jawaabay.
Wuxuuna igu yiri, “Ma ogtahay Xafso iney Sun cabtay oo muddo labo maal mood ah nolo iyo geeri ay u dhexeysay? “
“Ma ogi ee maxaa dhacay”, ayaan ku iri wuxuuna iigu jawabay:
“War kooban aan ku siiyo nin yahow waan ogahay wax jiro moog ayaad tahaye xafso waxaa qabay nin Holand jooga asaga ayaana Africa ka waday oo Holand geeyay markey xagga tagtay ayay bilawday sheeko ah i fur walaalow aniga kuma rabo nin kale ayaan jeclahahay sheekadana waxey gaartay Xafso waalidkeed waxeyna ku yiraahdeen Xafso warkaas nama maraayo ee ninkaada dhaqo hadii kale habaar ayaan kugu ognahay, intaas kaddibna Xafso sun ayay cabtay laakin meysan dhiman oo waa badbaadday wiilasha hada kusoo weerarayna Xafso ehelkeeda ayaa soo wacay oo ku yiri, ‘Wiilka Shuceyb la yiraah ayaa gabadhii naga sixraday ee shaqo ka qabta’ marka sidaas ayaa laguu soo weeraray.”
Yaab iyo amakaag ayaa iga soo haray waxaan maqli jiray “Waraf iyo shinbiro war iskuma hayaan!”
Waxaan isku dayay inaan Xafso la xariiro oo aan weydiiyo sida ay wax u jiraan ugu danbeyntiina waxaa ii suurtagashay inaan Telefoon kula hadlo Xafso, wax walba iyo sidii ay wax u dhaceenna waa ii sheegtay markaan hadalkeeda maqlayna waan ku qancay duruufaha ay ii sheegtay waxaana ka mid ahaa ninka qabo in markii hore lagu qasbay oo aysan raalli ka aheyn kuna qanacsaneyn sidoo kale waxey intaas ii raacisay ninku inuu ka weynyahay dhanka da’da sidaa darteedna aysan nolol la wadaagi karin, wax walba oo dhacana aysan ku qanacsaneyn iney ninkaasi la noolaato oo nolosha ay la qeybsato hadalkiina waxey iigu soo gaba gabeysay “Shuceyb aboowe ii dulqaado waxaan ballan kaaga qaadayaa ninkaan inaan iska soo furo oo anoo madax banaan dunida meel walba oo aad ka joogto kuugu imaado.”
Hadaba aqristow waad u jeedaa dhibaatadan jaceyl ee maanta qurbaha igu heysata waxaa iisii dheer inaan ka mid ahay dhallinyarada la kulmay mustaqbalka madow oo aanan ka faa’iideysan maankooda, maskaxdooda iyo waliba muruqooda taas oo ay sabab u tahay dhibaatoyinka 20 jirsaday ee dalkeenna ka taagan!
Aniga iyo gabadhaan dunida ugu jeclaana waad u jeeddaan dhibaatada nasoo foodsaartay ee maxaad talo iyo fikir ahaanba inoo soo jeedineysaa?
|
|


Print
