Fanaanada caanka ah ee Jihaan Jalaqsan oo soo saartay hees cusub oo soo jiidatay dareenka bulshada “Daawo Video”
Fanaanada Soomaaliyeed ee Jihaan Jalaqsan ayaa waxay soo saartay hees cusub oo maqal iyo muuqaalba leh, iyadoo ay heestaan noqotay mid soo jiidatay dareenka bulshada Somaliyeed.
Heesta cusub ee ay soo saartay fanaanada Jihaan Jalaqsan ayaa waxaa loogu magac-daray “Markaad wax dhashaad ogaan”, isla-markaana waxaa weeye hees dardaaran ah oo loo-jeedinaayo hablaha.
Dardaaran oo kaliya ma-xambaarsano’e ee heesta waxay kaloo xambaarsan tahay in hooyo walba ay dhiigeedu ka beeran tahay habalaha ay dhaleen, taasoo ay ku xuseyso haddii aysan ogeyn inay ogaan doonto kolka ay gabadhu guursato, ubadna ay dhasho.
Heestaan oo la-soo saaray seddex cisho kahor oo kaliya ayaa waxaa laga dhageysanayaa goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo goobaha ganacsi ee ay dadka Soomaaliyeed ku lee-yihiin qeybo ka mid ah dalka.
Hadaba nagula naso heesta cusub ee “Markaad wax dhashaad ogaan”
|
|


Print
