By: Mastar //  Jul 04 2012 at 6:16 pm //  5,371 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Arin mucjiso ah oo lagu arkay Magaalada London “Daawo Sawirada”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Wiiil 10 Jir reer London ah oo Indho la’ ayaa noqday Mucjiso cusub kadib markii la ogaaday inuu Dhagaha wax ka arko isagoo loo bixiyey naanays ah “Batboy”.

Lucas Murray oo ku dhashay indho la’aanta ayaa la rumaysan yahay inuu yahay qofkii ugu horeeyey ee Ingiriis ah ee maskaxda ka cabira waxyaalaha ku xeeran.

Si uu u garto waxyaalaha ku xerasan Lucas wuxu carabkiisa la dhacaa halka sare ee afkiisa kadibna maqalka ayuu ku kala saara halka walxaha agagaarkiisa yaalaa ka xigaan.

Farsamadan Cajiibka ah ayaa u ogolaatay inuu Ciyaaro Kubada Kolay iyo inuu la ciyaaro caruurta kale ee lodkiisa ah,


“Aad baan u jeclahay qaabkan aan isticmaalayo laakin runtii wax adag bay ahayd in la barto” sidaas wuxu u sheegay Lucasi Wargeyska the Sun ee kasoo baxa dalka Ingiriiska.

“Waxaan Jecelahay Kubada Kolayga, waxaan isticmaali karaa Nidaamkan aan Carabka la dhacayo Dalqada sare si aan u ogaado meesha Goolku iga xigo si aan ugu tuuro Kubada”

Wiilkan yar ayaa waxa tababaray nin Kasoo jeeda Gobolka California ee Maraykanka oo la yidhaahdo Daniel Kish oo 41 jir ah, ahna asaasihi World Access for the Blind Charity.

Lucas ayaa ah Wiil yar oo isku filan oo inta badan aan u baahnayn inay cidi hagto ama wax u qabato


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments