By: Mastar //  Jul 04 2012 at 11:56 am //  1,549 Reads  // Wararka Somalia

Ciidamo Soomaali ah oo tababaro looga furay dalka Turkiga “Daawo Sawirada”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dowladda Turkiga oo abaal aan la-ilaawin karin u gashay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ayaa waxay dalkeeda u qaatay ciidamo boolis ah, kuwaa oo lagu wado in tababaro loogu soo sameeyo dalkaasi.

Ciidamada la tababarayo ayaa tiradoodu waxay gaareysaa 60 askari oo shan ka mid ah ay dumar yihiin, kuwaasi oo qaadan doona tababar la xiriir ilaalinta xafiisyada iyo xarumaha dowladda iyo dabagalka dambiyada.

Munaasabad ballaaran ayaa waxaa lagu qabtay Xaruunta Tababarka Ciidamadda Booliska ee Dowladda Turkiga, Waxaana ka qeybgalay saraakiisha ugu sareeya dalkaas iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo saraakiil kale oo ka tirsan safaaradda Soomaalida ee waddankaas.

Ciidamadaan ayaa waxaa lagu wadaa in dib loogu soo celiyo Magaalada Muqdisho, kolka ay tababarada ku soo dhameystaan dalka Turkiga, balse lama sheegin inta bilood ee uu tababaradaan uga socon doono dalkaasi.






Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments