By: Mastar //  Jul 04 2012 at 11:18 am //  1,405 Reads  // Wararka Somalia

Soomaaliya oo Safiir cusub u magacawday dalka Koonfur Afrika iyo shir uu la-yeeshay reer Koonfur Afrika “Daawo Sawirada”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Safirka cusub ee dowlada soomaliya ay u soo magacowday K/africa ayaa oo safarkiisii ugu horeeyey ku jooga gudaha dalka k/africa, ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay jaliyada soomalida ee ku sugan gobolada dalkani K/africa.

Safirka ayaa kulankiisa ugu horeye la qatay jaliyada digil iyo mirifle oo si weyn u soo dhoweysay safirka iyo safarada cusub ee soomalidu ay ku yelatay K/africa iyagoo mahad gaar ah u jediyey madaxda dowlada soomaliya oo ay sheegeen inay ku dhaqaqen arin si weyn ay ugu bahnayen soomalida qurbo joga ku ah gudaha K/africa .

Gudomiyaha digil iyo mirifle ee Koonfur Afrika, Jeele cali nuur oo goobta ka hadlay ayaa safirka sharaxad buxda ka siyey sida ay ugu bahan yihiin safarada cusub ayna u soo dhoweynayaan besha digil iyo mirifle gacan xoganna ay ka qadanayaan dhismaha safarad cusub ee soomalida.

Sayid shariif oo ah safiirka cusub ee dowda soomaliya ay u soo magacowday K/africa ayaa isna hadal dheer ka jeediyey goobta isagona mahad gaar ah u jeediyey jaliyada digil iyo mirifle sida weyn ee ay u soo dhoweyeen safaradoda ay hortiisa uga cadeyeen inay gacan weyn ka qaadan donaan dhismaha safarada cusub ee Somalia ay ku yeelanayso k/africa.

Safiirka oo la hadlayey jaliyada ayaa shegay in safarada ay ka madax banaan tahay waxa la yiraahdo 4.5 ay si cadalad ah ugu adeegi doonto shacabka Soomaaliyeed ee sida weyn ugu oman inay yeshaan xafiis safaradeed ka difaaca dhibatoyinka sida gaarka loola eegto Soomaalida

Safiirka ayaa la filayaa inuu safaro ku maro gobolada dalka uunu kulo la qaadan doono jaliyadaha soomaliyed ee dagan goboladaasi.

Sayid shariif oo ah safiirka cusub ee Soomaaliya ee K/Afrika, ayaan weli wax kulan ah la qadan madaxda Dowlada K/africa, xilli ay Dowladaha Somalia iyo K/Afrika ay dhawaan kala saxiixdeen hesiish qeexaya inay safaarado is dhaafsadaan markii ugu horeysay taariikhda.



Wariye Shafat Yare
Shafatyare10@hotmail.com
Johannesburg, Koonfur Afrika


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments