Waa maxay ujeedooyinka dhabta ah ee ka dambaysa booqashoyinka madaxweyne Shiikh Shariif ee dalalka deriska ?
Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa bilaabay booqasho uu ku marayo dalalka deriska ah iyadoo loo arko booqashoyinkan inay salka ku hayso sidii uu u sii xoojin lahaa ololaha doorashada madaxtinimo ee uu doonayo in markale lagu soo doorto.
Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa gaaray dalka Sudan kadib markii uu soo booqday dalka Burundi halkaa oo uu kula soo kulmay madaxweynaha dalka Burundi.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa kula kulmay magaalada Khartoum ee dalka Sudan madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir iyagoo ka wadahadlay xiriirka labada dal ee Soomaliya iyo Sudan.
Booqashooyinka uu ku tago madaxweyne Shiikh Shariif dalka Sudan ayaa ah mid aad u badan marka loo fiiriyo dalalka kale waxaana taa loo aaneynayaa isagoo madaxweyne Shiikh Shariif uu waxbarasho ku soo qaatay dalka Sudan isla markaana xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo madaxweyne Cumar Xasan Albashiir.
Iyadoo ay muuqato in dardar xoog leh uu ka samaynayo madaxweynaha sidii uu xiriir adaga ula yeelan lahaa madaxda Afrika ayaan illaa iyo hadda la ogeyn xilliga dhabta ah ee uu ololihiisa dhinaca gudaha ka bilaabi doono maadaama ay in kayar konton maalmood ka harsan tahay waqtigii loo qabtay in lagu qabto doorashada madaxweyne ee dalka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dadka isu soo sharaxay in ay qabtaan xilka madaxweyne ee dalka Soomaaliya ayaa waxay muujiyeen cabasho ay ka qabaan madaxda dowladda oo xilligan awooda oday dhaqameedyada la wareegay, iyo sida xilliga KMG looga baxayo, waxaana ka harsan doorashada madax tinimada muddo afartan cisho ah, iyadoo aan wali waxba la qaban.
Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa isa soo taraya musharixiinta isu soo taageysa xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya iyadoo laga yaabo inay noqoto tiradooda tii ugu badneyd ee isu soo taagta doorasho madaxweynaha dalka Soomaaliya.
By Ali Aadan
Muqdisho
|
|


Print
