By: Mastar //  Jul 04 2012 at 9:28 am //  2,020 Reads  // Wararka Somalia

Rajadii Dowladnimo iyo hamigii shacabka oo ceel dheer ku sii dhacaaya “Daawo”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Haddii aad shalay arki jirtay mooryaan ay isbaaro u taal, waxaa maanta la-arkay Madax isbaaro u dhigtay Dastuur dhan, oo la-doonaayo in lagu dhaqo dal iyo dad madax banaan, oo 52 sano kahor qaatay xurnimo.

Waxaa siyaabooyin kala duwan oo xoog leh u soo shaac baxeysa in Madaxda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ay isbaaro culus u dhigteen Dastuurkii Qabyo Qoraalka, oo la-sheegay in la-doonaayo in looga baxo Xilliga Ku Meel Gaarka ah.

Hadaba Odayaasha Dhaqanka ee Soomaalida oo loo-soo wakiishay inay iyagu Masuul ka yihiin Dastuurka Qabyo Qoraalka, soo xulista Ergayda Ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraalka iyo soo magacaabida xubnaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ka qeyb-galaaya, ayaa waxay sheegeen inaysan taasi u madax banaaneyn.

Odayaasha Dhaqanka oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegeen inaysan u madax banaaneyn hawshii loo-soo wakiishay, maxaa yeelay bay yiraahdeen waxaa fara-gelin inagu haaya Madaxda Dowladda.

Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya iyo Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa si xoog leh loogu eedeeyay inay caburin xoog leh ay ku hayaan Odayaasha Dhaqanka ee Soomaalida, oo iyagu sheegay in lagu haayo fara-gelin culus.

Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay sheegeen haddii ay sii socoto fara-gelinta culus ee lagu haayo, inay faraha ka qaadi doonaan Dastuurka Qabyo Qoraalka oo dhan, maadaama ay sheegeen inaysan u madax banaaneyn Dastuurka.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments