Xarakada Al Shabaab oo ku faantay in Ciidamadda Itoobiya ay soo dhaafi la’yihiin Magaalada Baladweyne (Aqriso)
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay shaaca ka qaaday in Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya iyo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Baladweyne ku sugan, ay soo dhaafi la’yihiin sida ay sheegtay Magaalada Baladweyne.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sheegtay in Ciidamadda Itoobiya ay awood u yeelan la’yihiin inay soo dhaafaan bay tiri Magaalada Baladweyne, maxaa yeelay bay tiri waxaa meel walba ka joogga Ciidamadda Mujaahidiinta.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Yuusuf Cali Ugaas, oo la-hadlay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay awood u yeelatay buu yiri, in Gaallada iyo Saliibiyiinta ay soo dhaafi waayaan Magaalada Baladweyne.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay garab wanaagsan ka hellayaan beelaha degga Gobolka Hiiraan sida buu yiri Jijeele, Gaaljacel, Xawaadle iyo Baadi-Cade, kuwaa oo uu sheegay inay Jihaadka ka qeyb qaadanayaan sida uu sheegay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay xilliyada qaarkood weeraro kala duwan ka geystaan Magaalada Baladweyne, isagoo sheegay inay wax-yeelo ugu geystaan Ciidamadda Itoobiya iyo kuwa Dowladda.
Sheekh Yuusuf Cali Ugaas ayaa wuxuu ku goodiyay in goor dhaw ay dagaalo culus dib ugu qabsan doonaan Magaalada Baladweyne, ayna ka saari doonaan waxa uu ugu yeeray cadowga ku soo duulay dalka.
|
|


Print
