Tarsan oo shaaca ka qaaday inuusan waxba ka jirin Dastuurkaan, ayna dambiila-yaal yihiin kuwa qoray
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wuxuu si kulul uu u weeraray Dastuurka Qabyo Qoraalka, isagoo dhinaca kalana eedeymo xoog badan u jeediyay Guddiga cusub ee la-sheegay inay iyagu soo qoreyn Dastuurkaan.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, oo shalay galab dadweyne fara-badan kula hadlay Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu ku hadlay hadalo kul kulul.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in wax lala-yaabo ay tahay Dastuurkaan, maxaa yeelay buu yiri meel uu uga qoran yahay malaha magaca Magaalada Muqdisho, mana jirto buu yiri meel sheegeysa in Magaalada Muqdisho ay tahay caasimaddii dalka Somaliya.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in wax lala-yaabo ay tahay ragga Dastuurkaan qoray iyo waxa ay yihiinba, maadaama uu sheegay inaysan garaneyn caasimaddii dalka Somaliya inay tahay Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Tarsan ayaa wuxuu sheegay in raggaani ay doonayaan inay iska horkeenaan buu yiri shacabka Somaliyeed, wuxuuna uu ugu baaqay in kuwa doonaaya inay iska horkeenaan ay iska qabtaan, ayna u midoobaan xalka dalka iyo dadka Somaliyeed.
Tarsan ayaa wuxuu sidoo kale uu sheegay inay jiraan wax-yaabo badan oo ku qoran Dastuurka Qabyo Qoraalka, kuwaa oo uu sheegay inaysan u khalmin shacabka Somaliyeed, wuxuuna uu ugu baaqay inay xalkoodu gartaan.
Iskusoo wada-duuboo Tarsan ayaa wuxuu hoosta uu ka xariiqay in Dastuurkaan uusan waxba ka jirin, haddiiba laga waayo buu yiri meel tilmaameysa in Magaalada Muqdisho ay tahay caasimaddii dalka Somaliya.
|
|


Print
