By: Mastar //  Jul 04 2012 at 8:15 am //  1,160 Reads  // Wararka Somalia

Dagaalo qaraar oo ka dhacay Deegaanka Qooqaani iyo Xoogaga Shabaab oo ku daatay daafacyada Ciidamadda Dowladda Kenya

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dagaalo qaraar ayaa waxay ka dhaceen Deegaanka Qooqaani ee duleedka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay dagaaladu u dhaxeeyeen Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya oo garab ka helaaya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Xoogaga Shabaab oo dhinac ah.

Dagaaladaan ayaa yimid kadib markii ay soo qaadeen Xoogaga Shabaab, oo dhawr goobood ka soo kala weeraray Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Kenya, isla-markaana waxay iskaga hor yimaadeen dagaalo fool ka fool ah.

Dagaalada oo soconaayay qiyaastii laba saac ku dhawaad ayaa waxaa la-sheegay inay si weyn ugu gacan sareeyeen Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, kuwaa oo ku soo daatay daafacyada ay Ciidamadda Dowladda Kenya ku lee-yihiin aafafka hore ee Deegaanka Qooqaani.

Wararka ayaa waxay sheegayaan dagaalada oo geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo fara-badan, ayaa waxaa la-sheegay inay dib goobahaasi uga soo baxeyn Xoogaga Shabaab, kadib markii la-sheegay inay soo gaareyn gurmad xoog badan oo ka soo baxay Degmada Dhoobley.

Sidoo kale Xoogaga Shabaab oo iyagu qudhooda khasaaro badan kala kulmay dagaaladaan, ayaa waxaa la-sheegay inay dib uga baxeyn Deegaanadaasi, isla-markaana dagaaladaan ayaa waxaa lagu sheegay inay yihiin kuwii ugu cuslaa oo Qooqaani ka dhaca, kadib markii Xoogaga Shabaab lagala wareegay gacan ku heynta Degmada Afmadow.

Saraakiisha Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Xoogaga Shabaab ayaan weli ka kala hadlin dagaaladaan, oo la-sheegay in loogu itaal sheegtay Ciidamadda Dowladda Kenya, oo iyagu doonaaya inay Xoogaga Shabaab ka saaraan Magaalada Kismaayo.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments