Prof Xersi Laba Gare oo bilaabay inuu shiriyo Beelaha Mareexaan “Daawo Sawirada”
Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somaaliya kulan Balaran ku yeesha Beesha R/Siyaad Xuseen Kulankani oo uu soo Qaban Qaabiyay Prof Xirsi Max’ed Hilowle Labagare ayaa ka dhacay Hotel Bakiin ee Magaalada Muqdisho Waxanaa Kulankaasi kasoo Qayb Galay Wax garad kasoo Jeeda Beesha R/Siyaas Xuseen.
Kulani oo ay kasoo qayb galeen Siyaasiyiin, Odayaal dhaqameedyo, Aqoonyahano, Ganacsato iyo Haweenka Beesha R/siyaad Xuseen ayaa lagu lafa gurayay sidii beeshu kaalinteeda uga qaadan lahayd is badalka soo socda.
Ugu Horayn ayaa waxaa furay Kulankaasi Qadada Ahaa Axmed Bire Shidane oo wuxuuna ka Codsay Beesha in ay Noqdaan kuwa Hadaf Midaysan leh si buu Yiri looga Gudbo Marxalada Adag ee Kala Guurka Beeshuna u Noqoto kuwa Hela Saamiga ay ku leyihiin Dowlada Soo socota.
Intasi kadib ayaa waxaa goobtaasi qudbad dheer ka jediyay Prof Xirsi Max’ed Hilowle Labagare oo ah Gudoomiyaha Maamulka Ahlusunna ee Gobolada dhexe Wuxuuna ugu horayn Mahad balaaran u jeediyay Odayaasha beesha ee kasoo qayb galay Kulankani maanta iyo Qaybaha bulshada.
Wuxuuna Intaasi kadib ka sheekeeyay Waxyaabihii uu soo qabtay inti uu Xilka Gudoomiye ee Maamulka Ahlusunna hayay iyo waxyaabaha uu jecelyahay in uu qabto mustaqbalka wuxuuna sheegay in u Maamulka ahlusunna uu gaar siiyay Heer aysan waligood gaarin kuwaasoo uu ka tilmaamay Siyaasada Arimaha Dibada iyo Tan Gudahaba.
Prof Xirsi ayaa ka warbixiyay CV’giisa iyo sida uu gaar ahaan baasha isugu xirayo iyo gaar ahaanba beesha sade ama umad weeynta soomaaliyeed oo dhan ayadoona ay Odayaashii Goobta ku sugnaa ku Qanceen Waxqabadkiisii iyo Waliba in beeshu ku qanacsantahay siyaasadiisa.
Prof Xirsi Sheegay in Kulaankooda maanta uu ku Doonayo in Beesha R/Siyaad Xuseen u doortaan in uu noqdo Horjoogaha Dhanka Siyaasada Beesha Looga Danbeeyay ayadoona ay Dhamaan Qaybahii Bulshada ee kasoo Qayb Galay ay aad u soo dhaweeyeen.
Qaar Kamid ah Wax Garadka Beesha oo ay kamid ahaayeen Max’muud Samatar Axned Shidane C/laahi Diiriye Xuseen Nuure Xuubey Waxay sheegeen in Maanta wixii ka danbeeya uu Yahay Xirsi Max’ed Hilowle Labagarre Hogaanka Siyaasada Beesha R/Siyaad Xuseen, Ahna Murashaxa Xildhibaan ee Beesha Maanta wixii ka danbeeyana ay Kaga danbeynayaan Prof Xirsi dhanka siyaasada waxaana ay ka codsadeen in uu si calaad ku dheehantahay ugu maamulo Howsha ay Maanta u id madeen.
Intaasi kadib Ayaaa waxaa Hadalka Qaatay Prof Xirsi Wuxuuna Aad ugu Mahad Celiyay Odayaasha Iyo Qaybaha kale ee bulshada ee Maanta doortay wuxuuna sheegay in uu Noqon Doono kii Beesha isku keena Iyo Guud ahaan Belwaynta Sade, Noqdana kii Fahamsiiaya wixii Aayahooda ah Isagoona ka Codsaday in Looga baahanyahay Dadka ku abtirsada beesha in ay Taageeraan.
Gaba gabadii Kulanka ayaa waxaa Qalinka lagu Duugay 2Luulyo 2012 Wixii ka danbeeya in Beelwayna Reer Siyaad Xuseen uu Hogaanka Siyaasada u qaban Doono Prof Xirsi Max’ed Hilowle Labagare Yahayna Xildhibaanka Beesha u Matalaya Xildhibaanada Soo Socda waxaana Markiibaa Sacab iyo Mashxarad ku dhuftay Haweenka Beesha iyo Waliba Dadwaynihii kasoo Qayb galay.
Si kastaba Hogaankani Cusub ee ay maanta doorteen Beesha Reer Siyaad xuseen ayaa kusoo aadaya Xili magaalada Muqdisho ay ka Jiraan Is jiid jiid badan oo u dhexeeya Beelaha Soomaaliyeed kuwaaso ku aadan cida Hadba Wixii markaasi Taagan hogaanka u Qabanaysa Waxaana kulankani Maanta ay yeesheen beesha R/siyaad Xuseen Sagaalkeeda Qaybood Ee ay wax u Qayb Sadaan Kuna doorteen Hogaanka Cusub Noqonayaa mid beelaha looga baahanyahay in ay ku daysadaan.








|
|


Print
