By: Mastar //  Jul 03 2012 at 6:38 pm //  2,501 Reads  // Article & Opinion, Wararka Somalia

Maxaa Keena Kacdoon Bulsho?

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaan raba hadi allah iwaafajiyo inaan ku falayqayo qoraalkaan erayga mudadaan danbe dadku aad u hadal hayaan duni Carabtana aad caanka uga noqoday beryahaan danbe ee ( kacdoon Am afka qalaad lagu yirado Revolution) waxan raba inaan sharaxdi isku dayo inti awoodayda inaan samayo eraga sharaxdisu waa macnayaal badantahay lakin wuxu caankuyahay isbedelka bulsho samaynayso. Eraga kacdoon ama revolution qofba sidu u yaqano waa eray macnawayn ku leh eray bixinta am terminology lo isticmalo isbedelka bulshada ku yimada.

Eraga Kacdoon Qayixidisa.

Sidaan so xusnay eraga kacdoon waa macnayaal badanyahay lakin waxaa lo isticmaala isbedel bulsho kaga yimda dhinacya badan sida SIYAASAD AHAN, (POLITICAL) DHAQAALE AHAAN (SOCO-CONOMICAL ), DHAQAAN AHAN(CULTURALY ), DIIN AHAN(RELIGIOUSLY ) ,IYO XADAARAD AHAN( CIVILIZATION ) dhamaan dhinacayaadas oo idiil ayu bulshada ka samaya waxana keena kacdoonka culays kagayimada bulshada qodabadan aan kor ku so xusnay marka kadib bulshada waxay bilowda dhaqdhaqaaqyo isbedel doon oo ka dheex bilowda bulshada dhibtu samaysay , bulshada isbedel doonka ah intaa badan waxaa ka horyimada caqabado kaga yimada nidaamka ay doonayaan inay iska beedelan bulshadasi kaasi oo keena dhibaatiyo ay kamid tahay, XASUUQ BINI AADAN , DHAQALE BUR BUR,IYO KALA DANBAYN LA’AAN BULSHADA DHEEXDEDA KU YIMADA dhamaan arimahaasi oo dhan waxaa laga dhaxla kacdoonka bulshada ku yimada, oo ay ku doonayaan inay ku bedelaan nidaamka bulshadasi ku jirto.

Sharaxad kacdon bulsho waa mid qota dheer sidan horay u so xusnay lkn muhimadisu waa isbedel doon bulsho iska bedelayso nidaam mamul ama siyaasadeed, dhaqaale iyo xadaarad iyo wixi la xirira arimahaas kacdoon wuxu bulshada u keena fa’ida iyo khasare labadaba wuxuna salka ku haya bulshada isbedelka doonaysa qabka ay tahay iyo siday u rabaan isbedelkooda.

Tusale ahaan dunida waxaa ka dhacay isbedelo badan oo kacdoon horseed u yahay waxaynau kala dhecen qaabab kala gedisan, midkastaana wuxu ku yimid bahi bulshadu u qabto isbedel inay samayso. Waxana u badnayeen kacdoono dunida si wayn u samayeey waxana ka dhecen waddam waawayn oo Dunida mantay la yirahdo wey ugu u awood badan yihin, waxana ka midaha waddan sosocoda.

Kacdoonki Faransa.

Dunida aan ku jiro waxaa ka dhacay kacdoono bulsho oo ku salaysan arimaha aan kor ku so xusanay waxana kacdoonada kamid aha waddamada ay ka dhecen ee ugu wawayna France oo kacdonki bulsho ugu balara ka dhacay Sanadki 1789 – 1799 (The French Revolution (1789–1799) was a period of radical social and political upheaval in both French and European history. The absolute monarchy that had ruled France for centuries collapsed within three years.) wuxu aha kacdoonki bulsho ee aduunka ugu hawsha badna waddamada yurubiyaankana Taarikh aad u balaaran ku laha kacdoonka France wuxu salka ku hayeey dhinacya badan sida siyaasad iyo xadaarad ama civilization waxana u la magic baxay raadinta xaqninka ninka (right of man ) oo macna ahaan ku salaysan in dadku xaqsiman yeeshan iyo in la bedelo boqtoyadi iyo nidamki xiligaas talin jiray. Waxaana kacdonka sida la qiyasayo ku naf waayeey dad tiradooda lagu qiyaasay ilaa 16000 ilaa 40.000 oo qof wuxun aha kacdoonada ugu dhiga qubadshadaa badna ee bulsho samayso kii ugu xuma. Waxaa burburay hanti dhaqaale iyo guryo aad u tira badan wuxu samayn ku yeshay dunida qayba kamid ah gaar ahan waddamada yurubiyaanka.

Kacdoonki Rushka.

Kacdoonki Russia wuxu ku bilowaday 25th October, 1917 (Julian calendar), (the Great October Socialist Revolution, this was a political revolution and part of the Russian Revolution of 1917. It took place with an armed insurrection in Petrograd on 25th October, 1917 (Julian calendar), which corresponds with 7th November, 1917 (Gregorian calendar). It was the second phase of the Russian Revolution, after the February Revolution of the same year.) kacdoonka rushka wuxu ku bilowday kacdoon bulsho eek u yimid Russia wuxu ku salaysana nidaamka la yirahdo kacdoon bulsho and socialist revolution oo salka ku haya siyaasad nidamka handti waddag.

Waxaa ka dhashay kacdoonka Rushks waxaa layirdo Nidaam hanta waddaga oo uu madax u yahay waddanka Russia, Dagaladi sokayee ee Rushka ka dhacay waxay sababeen kacdoonki uu ku dhashay middowgi suufiyati (his resulted in the Russian Civil War (1917–1922) and the creation of the Soviet Union in 1922.) dhalashadi midowga suufiyati waxaa sabab u ah kacdoonadi ka dhacay Rushka xiliyadi 1917 ilaa 1922.

Kacdoono badan aya dunida ka dhacay oo u badanaa isbedel doon siyaasaded iyo dhaqaaleba waxayna intuba ka sinaayeen dhibta samaysaa bulshada dhamaan kacdoonadu waa ka simanyihin haku kala xoog badnaadeene.
Kacdoon xornimadadoon am Independent revolution.

Kacdoonada Dunida ka dhacay qaarkod waxay salka ku hayaan xornimad doon sida kacdoonki ka dhacay waqoyiga Ameerica oo loga soo horjeestay Nidaamki Gumaystaha ingiriska, kacdoonkaas oo bilawday 1774 ilaa 1778 ilaa waqoyiga America shacisay in ay qadatay xornimadeedi sanadku marku aha July, 1776 oo ay ka xorobeen nidaamdki isticmaarka boqortooyadi Ingriska ee xiligaas mamulaysay waqoyiga America kacdoonka wuxu ka dhashay dadka oo ka so horjeestay awood ku muquuniska isticmaarka ( Britain Empire) waxayna kacdoonka dadku ku doonayeen dawlad ay dadku leeyihin ( Self Government ) wuxuna aha kacdoon xornima doon ee waqoyiga America ka dhashay. Wuxuna sabaab u noqday kacdoonkasi in waqooyiga America helo xornimo iyo dawlad ay dadka ke leeyihin.

Maxaa keenay kacdoonka waddamada Carabta ee 2011.

Marka dib lo eeg kacdoonadi dunida somaray oo aan ka so qadanay waddama aduunka ugu awooda badan midkasta wuxu ku salaylisnaa nidaam gaar ah oo bulshada xiligas joogtay so wajahay. Marka lay isku barbar dhigi kacdoonadi so maray dunida iyo kacdoonkan bilowday 2011 maxa xirir ah oo ka dhaxaya maxeeyse kacdoonadu ka simayihin xili kasta ha ku jireene .waxaa hubal ah kacdoonadu inay ka simanyihin samaynta bulsho ee siyaasaded dhaqaala ahaneed iyo xadarad ahan waxa kale oo kacdoonadu caan ku yihin dhibta soo gaarta dadka rayidkaa markasta oo kacdoonyimado, markaan eegno maantay kacdoonada ka dhacayaa dalalka Carabta iyo waddama badan oo muslim ah waxaad dareemaysa in dadka ku nool waddamasi in culaysi ka haysto hogaankoda oo ah mid aan dadka siin waxay xaq u lahayeen sida Siyaasada,Dhaqaalaha, xooriyada qofnimo oo ah mida ugu muhimsan bulshada iyo Nidaamka bulshada hoos joogto oo ah keeligi taliyee danaystee ah, marka arimahaasi bulshada ku yimadan waxay intaa badan sabbaan in bulshadu samayso kacdoon isbedel doona ah waan sida hada ka jirta dalal bada oo Carabta ka mid ah.

Sidaan horay u so sheegnay kacdoonka ama revolution wuxu leeyahay dhibatooyin badan ee bulsho sida DHAQAALA BURBUR , XASUUQ BINI AADAN ,BURBUR SAMAYAA DALKA DHAMAANTI S IYO WIXI LA XIRIRA , hadan waxaan la ankiri Karin in isbedelku keeno bulshadu inay isbedesho SIYAASAD AHAN , DHAQAALE AHAAN, IYO XADAARAD AHAN IYO WAX YAALA BADAN OO ASAASKA NOOLOSHA AH, hadaba bulshada kacdoonku wuxu u keena faidooyin badan ayu u keena bulshada qarna khasare ayeey ka dhaxlan kacdoonka.

DHIBTA KACDOONKA

Kacdoonka waxaa laga dhaxla dhibaati aad u fara badan sidaan ku xusaynay qoralki hore kacdoonka wuxu bulshada intaa badan dhaxal siyaa burbur sida DHAQAALA BURBUR , XASUUQ BINI AADAN ,BURBUR SAMAYAA DALKA DHAMAANTs waxaan intaa badan ka dhasha kala qayibsanaan bulshada dhexdeeda ah, kacdoonku wuxu samayaa bulshada dhamaan wuxuna ka samayaa dhankasta oo nolosha dhibatiyaha kacdoonka ka dhasha waxaa intaa badan sabaaba arimahan socoda sida.

In bulshadu u kula qayibsanto nidaamka jira laba qayibood kuwa nidamka tageersan iyo kuwa ka so horjeeda , haku tageeren DIINIYAN, QAAB QABIL, AM FIKIR KALE. Iyo in ay u kala qayibsamaan xisbiyo iyo uruuro midkasta dangaara leeyahay.

In bulshada rayidka aan loo carbin inay buxin karaan positionka banana oo aqoon ahan ay ka hoosayan inay hogamiyaan bulshada (luck of capacity problems) waxana arintaas aad caan ugu ah waddama loo yaqaano dunida sadeexad oo nimadnka bulshada rayidka ah aad uga hooseyo hogaminta bulshada iyo isku xir keda , waxaana sababa dawaladaha ama mamulada waddamada oo an siin bulshada rayiddka doorka ay kuleeyihin bulshada.

Qorshe la’ aan ka timada dadka hogaamiyaa kacdoonka iyago u adegsanaaya dano khaas ahaaned markasna waxaa fashilma ujeedoyinki lagalaha kacdoonka oo ah in bulshadu logu danaynayo.
Aqoon la’aan ka timada dadka hormudka u ah kacdoonka oo sababta in kacdoonka laga gari wayo qorshehi laga laha.

Dhamaan arimahaas oo idil waa arimaha hormudka u ah khasaraha ka dhasha kacdoonka intaa badan waxana arimahasi intaa badan ka dhacana waddamada loo yaqano dunida sadeex oo ururada arimaha bulshada doorkay bulshada ku leeyihin aad u hoosayaan.

FA’IDADA KACDOONKA

Kacdoonku wuxu leyahay fa’idoyin badan oo dhinacya badan tabanayaa sidan horay u sheegnay waxana ka mida ah SIYAASAD AHAN (POLITICAL ) DHAQAALE AHAN (SOC-ECONOMICAL ) DHAQAAN AHAAN (CULTURALY ) IYO XADAARAD AHAN ( CIVILIZATION ) Dhamaan qayibahas oo dhan samayn ayeey ku yeeshan kacdoonka waxana sidan horay u xusnaya kacdoonku u qayibsama mid kul salaysan xornima doon iyo culays bulshada kaga yimada nidaamka hogaaminaaya , kacdoonadi ka dhacay dalaalkaan aan so magacawnay dhamantood way ku gulaysteen kacdoonadodi ay samayeeyn wallow ay dhibaatida kacdoonku leeyahay so wadda mareen dhamaanto, sababta keentay gushana waxaa saldhig u ah waddama aan xusnay dhamantod ururada arimaha bulshadodu waxay ahayeen kuwa xooga oo door muhima ku leh bulshadoda , waxayna ka koobnayeen dadka kacdoonka samayeey bulshada qayib beheeda kala gedisan sida, MACALIMINTA , ARDAYDA, HAWEENKA, SHAQALAHA, PROFFESS, CIIDAMA QAYIB KAMID AH IYO DHAMAAN BULSHADA QAYIBEHEDA KALA GEDISAN DAD KA MID AH, taasi waxay sabab u noqotay in ujeedoyinki laga laha kacdoonka u dhabobo lagana garo hadafki kacdoonka lo samayey. Kacdoona caynkasi waxay dhamaantod ku dhamaadan guulo waweyn waxayna horumariyeen bulshadodi waxayna horsed u noqdeen Nolool, Nabad iyo xoriyada qofkata xaq u leyahay codkisa iyo rabitaan kisa.

Sida la xusso Dawladi ugu horayeey ee reer galbedka oo xaquuq aadani shacisa waxay ahayid France kacdoonki France ee sanadk August 1789 taaso lagu magac daray (Right of Man and Citizens) marka kacdoonka wax badan ayaa laga fa’ida dalaal badanina waxay ku gaareen xornimo sida waqooyiga America oo ah maantay dalka layirahdo aduunka waa u awood badan yahay ugu awooda badan yahay dhaqaale ahaan iyo military ahan.

Gabagabo:

Gunti iyo GabaGabadi Kacdoona waa eray aad u qota dheer Bulshadana samayn balaran ku leh qoralkaana intisaa badan waxaan xooga ku saray fahmida kacdoon iyo qayibihisa iyo dalaalka kacdoonada so maray kuwa ugu tuunka waaweyn duunida mantay iyo xiliyadi kacdonkoda iyo midkasta kacdoonka ay so mareen kacdoon sidan ku sheegnay qoralkan hore wuxu leyahay fa’ido iyo khasaree labadaba oo bulshada samayn wayn ku yeesha kacdoonadu meela badan ayeey xiriir ka leeyihin lakin waxa kala geedisan siday bulshada u kala samayaan.

Waxaa mahad iska leh alla wayn oo ii waafajiyeey inaan wax ka qoro waxa looyaqano kacdoon am revolution oo bulshada in badan oo kamidi ahi dheegta un ka maqashay lakin aysan aqoon sababta kenta kacdoonka wixi aan ka asiibnay qoralka macne ahan eraga kacdoon allah ayaa mahadisa leh wixi aan gafayna waa gaf bini aadan, waxana filaya in wax badan laga fahmi doono macnaha kacdoon iyo wuxu yahay qiimaha u bulashad ku dheex leeyay fa’ida iyo khasaare wuxu leeyahay dhamaan.

Abdirahman Qahiye Isse
Jaale41@gmail.com


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments