By: Mastar //  Jul 03 2012 at 10:06 am //  1,669 Reads  // Wararka Somalia

Odayaasha Dhaqanka oo diiday inay maanta soo magacaabaan Ergayda Ansaxinta Dastuurka iyo khilaaf ka dhashay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Kadib markii Odayaasha Dhaqanka ay maanta diideen inay soo gudbiyaan Liiska Ergayda Ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraalka, ayaa waxaa ka dhashay khilaafaad xoogan oo soo kala dhex galay Xukuumadda iyo odayaasha Dhaqanka.

Odayaasha Dhaqanka ee Deegaanada Soomaalida ayaa waxaa maanta looga fadhiyay inay soo gudbiyaan Ergayda Ansaxinta ee Dastuurka Qabyo Qoraalka, balse waxay sheegeen inaan weli la-gaarin waqtigii ay soo gudbin lahaayeen, maadaama ay sheegeen inay wax badan ka khaldan yihiin Dastuurka.

Marka la-saxo wax-yaabaha ka khaldan Dastuurka Qabyo Qoraalka ayaa waxay sheegeen inay markaasi soo gudbin doonaa Liiska Ergayda Ansaxinta ee Dastuurka Qabyo Qoraalka, oo dhaliyay murun xoogan.

Sidoo kale waxay dalbadeen in seddex maalmood oo dambe fursad loo-siiyo inay Dastuurka ku soo eegaan wax-yaabaha ay doonayaan in laga bedelo, ayna markaasi soo gudbiyaan Liiska Ergayda Ansaxinta ee Dastuurka.

Hase yeeshee Ku Simaha Raa’isal Wasaaraha ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Laahi Goodax Barre iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Xukuumadda Kmg ah ee Somaliya Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, ayaa waxay sheegeen in waxaan soconeyn ay sheegeen Odayaasha Dhaqanka.

Hadaba labada dhinac ayaa waxay isku mari la’yihiin kulan xasaasi ah oo maanta uga soconaaya Xalane, oo ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, lana soco wixii ku soo kordha.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments