Dagaal-yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo u gacan galay Ahlu Sunada Gobolada Dhexe (Aqriso)
Dagaal-yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa waxay u gacan galeen Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ahlu Sunada Gobolada Dhexe iyo Xarakada Al Shabaab ay ka dhex tolan tahay.
Ciidamadda Ahlu Sunna ayaa waxay maanta hawl-galo ballaaran ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah Magaalada Guriceel, waxayna hawl-galadaasi ay ku soo qab qabteen dagaal-yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Dagaal-yahanadaan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay iyagoo sita walxaha qarxa iyo bistoolado, waxaana lagu guuleystay in laga hortaggo qaraxyo ay qorsheynayeen inay ka geystaan Magaalada Guriceel, oo Saldhig u ah Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.
Madaxa Amniga ee Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Muuse Macalin Maxamed, oo Saxaafadda la-hadlay ayaa wuxuu xaqiijiyay inay gacanta ku soo dhigeen raggaan iyo walxihii qarxa ee ay wateen.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay raggaan damacsanaayeen inay carqaladeeyaan buu yiri amniga ka jira Magaalada Guriceel, isla-markaana wuxuu sheegay inay tani cadeyneyso in Al Shabaab ay halis ku tahay buu yiri nolosha dadka rayidka ah.
Iskusoo wada-duuboo raggaan oo aan la-aqoon tirada ay yihiin ayaa wuxuu Muuse Macalin Maxamed uu sheegay inay soo taaggi doonaan Maxkamad, isagoona ku goodiyay in Sharciga lagu qaadi doono.
|
|


Print
