Difaaca weyn ee dunida Nesta oo ku biiray koox ka dhisan dalka Canada
Waaya aragga reer Taliyaani Alessandro Nesta ayaa u Ciyaari doona Sanadka soo aadan kooxda Montreal Impact Sidaas waxaa laga soo wariyay Wargayska Afka dheer ee Corriere dello Sport.
36 Sano Jirkaan Duqnimadu ay hayso ayaa kooxda Milan ay fasaxday,isagoo lasoo warinayo in heshiis hal sano ah ay la gaartay kooxda ka dhisan Dalka Canada Axadii.
Kooxda Montreal Impact ayaa horay u qaadatay rug cadaagii Talyaaniga Marco Di Vaio kaasoo kooxdaa ku biiray xagaagan kagana soo biiray kooxdaBologna.
Nesta ayaa dhawaanahan fasax ku joogay Magaalada Miami, waxaana lala xiriirinayey inuu ku biiro kooxda ka dhisanNew Yorkee Red Bulls laakiin taas ma dhicin.
Sidoo kale kooxdan ayaa haysata Difaaca Talyaaniga Matteo Ferrari iyo Bernardo Corradi.
Nesta iyo Di Vaio ayaa saaxiibo ku soo ahaa kooxda Lazio oo ay wada joogeen xilligii yaraantooda, haddana duqnimadooda ay ku qaadanayaan kooxda Montreal Impact.
|
|


Print
