Sheekh Axmed Madoobe oo shaaca ka qaaday in Al Shabaab ay madaxa isku gelineyso beelaha degga Gobolada Jubbooyinka
Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay madaxa isku gelineyso Beelaha degga Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo leesku yiraahdo (Jubbooyinka).
Gudoomiyaha Jabhadda Raaskambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe), oo la-hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu daboolka uu ka qaaday in Xarakadda Al Shabaab ay madaxa isku gelineyso Beelaha degga Gobolada Jubbooyinka.
“Nimankaan Khawaariijta ahaa waxay bilaabeen inay madaxa isku geliyaan Beelaha degga Gobolada Jubbooyinka, oo ujeedkoodu wuxuu yahay inay sii jooggaan qeybaha ay iminka kaga sugan yihiin Jubbooyinka” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.
Balse Sheekh Axmed Madoobe ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Jabhadda Raaskambooni ay wadaan dadaalo ballaaran, oo uu sheegay inay meesha uga saarayaan isku dhacyo ku yimaada Beelaha degga Gobolada Jubbooyinka.
“Waxaa soconaaya qorshe aan isla wada wadno Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, oo aan ku dooneyno inaan meesha uga saarno isku dhacyo ku yimaada Beelaha ay Khawaariijta doonayaan inay madaxa isku galiyaan” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.
Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa wuxuu sheegay inay ku hawlahaan taatikooyin milatari oo uu sheegay inay si qunyar leh ugu qabsanayaan Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose, maadaama uu ku sheegay inay muhiim u tahay, inay kala wareegaan Xarakada Al Shabaab.
Iskusoo wada-duuboo Gudoomiyaha Jabhadda Raaskambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe), ayaa wuxuu ka dhawaajiyay inay goor dhaw ku dhaqaaqi doonaan dhinaca Magaalada Kismaayo.
|
|


Print
