By: Mastar //  Jul 03 2012 at 8:02 am //  1,648 Reads  // Wararka Somalia

Maxamed Dheere oo sheegay in Gobolka Shabeellaha Dhexe laga sifeyn doono tuugo Carab ah oo uu sheegay inay ku soo duuleen

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Maxamed Dheere ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Gobolka Shabeellaha Dhexe laga sifeynaayo tuugo Carab ah oo uu sheegay inay ku soo duuleen, kuwaa oo uu sheegay inay ka soo horjeedaan danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ahaan jiray Gudoomiyihii Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa wuxuu sheegay in xilligaan loo-soo jeestay sidii Gobolka Shabeellaha Dhexe looga sifeyn lahaa buu yiri tuugada Carabta ah.

“Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ku soo duushay tuugo Carab ah oo dambiyo kala duwan ka soo galay dalalkooda, waxayna doonayaan inay gabaad ka sii dhigtaan Gobolka Shabeellaha Dhexe, laakiin waxaan idin sheegayaa inaysan ku sii noolaan karin Gobolka Shabeellaha Dhexe, maxaa yeelay waxaa soo sheegaaya cid walba, xataa gabdhaha ariga raaca ayaa soo sheegaaya” ayuu yiri Maxamed Dheere, isagoo saakay laga maqlaayay Idaacad Maxali ah oo ku taalla Magaalada Muqdisho.

“Waxaan soo dhaweynayaa tallaabada Degmada Balcad looga xureeyay Al Shabaab iyo tuugada Carabta ah ee Al Qaacida, waxaan kaloo soo dhaweynaayaa in xilligaan loo-soo jeesto in Gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhan laga saaro” ayuu markale yiri.

“Ciidamadda Qalabka Sida waxaan faaraayaa inay deg deg uga baxaan Degmada Balcad, oo ay gacanta ugu dhigaan Magaalada Jowhar, haddii tuugada Carabta laga eryo Magaalada Jowhar, way iska cararayaan” ayuu sii raaciyay.

Maxamed Cumar Xabeeb ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed uu ku booriyay inay iska dul-qaadaan Al Shabaab iyo Al Qaacida, bacdamaa uu sheegay inaysan dooneyn inay danaha dalka iyo dadka Somaliyeed.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments