By: Mastar //  Jun 29 2012 at 7:45 pm //  7,513 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Dhacdo jaceyl oo musiibo lagu tilmaamay oo lamaane ku dhex martay Internet-ka “Arin Fajac Leh”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waa qiso ku saabsan sheeko ka bilaabatay Jacayl internet Runtii waa sheeko musiibo ah Gabadhi ay oga sheekaynayso saaxibadeed……….Wallaahi waa Yaabka yaabkiisa Musiibo tii u waynayd dheh ……

Assalaamu calaykum walaalaheyga sharafta laheey waan ku salaamay. Salaan ka dib Marna ma rumaysanaysid waxa igu dhacay iyo waxaan dhib naftayda u soo jiiday, aduunkan waxa iigu wayn oon doonayo maanta waa danbi dhaaf ilaaah iyo INAAN DHINTO INTAANAN ANIGU NAFTAYDA DILIN. Ma garanyo waxaan naftayda ku sameeyo quusashadaan ka dib. Maalin ima soo marto ilaa waan ooyaa ilaa aaan gaadho inaan wax arki waayo. Maalin walba waxaan ku fakaraa inaan is daldalo, noloshaydu wax qiimo ah iima laha.

Saacad walba waxaan tamanniyaa dhimasho Shallaaytaydee ma dhasheenaa, shalle-ytadaydee la ima abuureenaa!!!!! maxaan sameeyaa wareer baan ku sugnahaye wax walboo agtayda ah waxay soo baxeen waxaan mibna lahayn dhadhanna lahayn.
Labadaydan gacmood ayaan ceeb ugu soo jiiday naftaayda iyo qoyskayga. Waxaan ceebeeyey ninkayga iyo caruurtayda waxaan dumiyay gurigayga. Wax walba waan ood i tiraahdaan waan xaqsadaa. Magac walboo xun iyo tilmaam walboo xun ood igu tilmaamtaan waan istaahilaa, dabaal caqlilaaw, hawa raac iyo iyo iyo.

Run ahaan wax walbood igu sifaysaan waan ahay. Laakiin qof dib ii celin kara oo i soo sixi kara waxaan qalad sameeyay ma jiro mana idinku jiro qof i caawin kara. Sheekadaydu waxay noqotay waxaan ka noqosho lahayn wayna gashayna buugga taariikda. Sheekadayda ayaan soo hordhigayaa Gabadh walba oo Muslimad ah oo isticmaasha INTERNETKA si ay calaamad ugu noqoto iyo ilaalin iyo si aysan ugu kicin axmaqnimada aan ku kacay iyo si ay ugu caqli qaataan kuwa caqliga leh.

Sheekadaydu waxay ka bilaabatay gabadh saxibtay Gurigeeda. Maalin ayay gurigeeda igu marti qaaday saaxiibadaay waxay ka mid ahayd kuwa INTERNETKA isticmaala inta badan. Waxay bilowday inay intenetka wax iga barto. Mudo 3 bilood gudaheeda ayay wax walba oo ku saabsan internetka igu bartay waxay i bartay Chat-room-yaashoo dhan waxay kaloo i bartay sida wax loo baaro iyo sida loo raadsho web site yaasha cusub iyo kuwooda wanaagsan iyo kuwooda xunba.

3daas Bilood gudahooda ayaan waxaan ninkayga ku qasbay inuu INTERNET guriga soo galiyo. aad ayuuna oga soo horjeestay arintaan ilaa aan ku qanciyay inaan daal wayn dareemayo maadaama aan ka fogahay ehelka iyo asxaabtaba, waxaana xujo oga dhigay inay saaxiibaday wada isticmaalaan internet, halkaasna aan kala sheekaysan karo internetkuna nooga lacag jabanayahay Telefoonka. Wuu ogolaaday dagaal badan ka dib asagoo aniga ii naxariisanaya.

Waxaan bilaabay inaan maalin walba saaxiibaday kula sheekaysto Internetka, ninkaygiina waa iga istareexay wax dacwo danbena igama maqal wuxuuna qirtay inuu ka istireexay dacwooyinkaygii. Mar walba oo uu ka baxo guriga sidii wax waalan baan INTERNETKA ugu ordaa, waan hor fadhiistaa anoo saacado badan maalin walba ku jira. Waxaan bilaabay inaan jeclaysto inuu maqnaado wax yar markuu sii Maqnaadana waan u xiisaa. Ninkayga waan jeclahay marna ninkaygu iskuma kay ladin wax walbana wuu i qabtay dhaqaalihiisuna aad uma fiicnayn markii la garab dhigo walaalahay iyo saaxiibaday, wanaagayga ayuu marwalba ka shaqaynayay. Maalmo badan markay tageen ka dib waxaan bilaabay in INTERNETKU in uu noqdo meesha kaliya ee aan ku dareemo farxadda. Waxaana bilaabay xattaa inaanan xiisayn inaan ehelkay u safro oon u safri jirnay labadii wiigba mar.

Mar walba oo uu ninkaygu guriga ii soo galo si dagdag ah ayaan u damiyaa internetka taasoo uu qariibsaday lana yaabay, ma uusan iga shakisanayn laakiin wuxuu uun doonayay inuu arko waxaan ka samaynayo Internetka. Laga yaabee inuu dareemay masayr ka dib markuu i arkay anoo maalin ku jira ”Voice Chat” qof kula sheekaysanaya ”cod ahaan” isticmaalaya mikrafoon. Markaa ka dib ayuu bilaabay inuu i canaanto sagoo leh internetku waa wax balaadhan waxyaalo badanna laga faaiidaysan karo, maad ka baratid luuqadaha iyo sida loo sameeyo website anfacaya dadka ood iska daysid waxa maalaa yacniga ah ood waqtiga isaga luminaysid. Ka dib waxaan isku dayey inaan ka faaiidaysto internetka mar danbana aanan galin ”chat roomka” (Qolalka wada sheekaysiga) inaan la hadlayo walaalo iyo saaxiibo mooyee.

Waxaan ka tagay tarbiyadii caruurtayda waxaana u daayay khadaamada guriga, waxaan garanayay waxaan xafiday waqtiyada uu ninkaygu shaqada dhammeeyo gurigana ku soo aadanyahay si aan u damiyo computerka oo uusan iigu arag anoo ku mashquulsan chatka. Waxaan si aada u dayacay naftayda. Waagii hore aad ayaan isu qurxin jiray sida ugu qurux badana baan u labisan jiray intuusan ninkaygu shaqada ka soo laaban, internetka ka dib waxaan bilaabay inaan tartiib tartiib naftayda iyo ninkayga iyo caruurtayda u ilaawo illaa aan dhammaan wada ilaaway, waxaana bilaabay inaan samaysto cudurdaaryo beena, sida:- imaadan sheegin inaad waqtigaan soo laabanaysid, ama waqtigaagii baad ka soo hor martay iyo kuwa badan. Waxaan aad ugu mashquulsanaa internetka ilaa aan gaadhay inaan soo kaco ka dib markuu seexdo oon galo INTERNETKA dibna sariirta ugu laabto intuusan soo kicin. Laga yaabee inuu dareemay internetka waxaan ku hayyo inay tahay waqti lumis ee aanan waxba ka faaiidaysanayn, laakiin wuxuu iiga Samrayeey kalinimada maadaama ay ehelku iga fogyihiin, isna shaqo ku mashquulsanyahay, balse waxaa aad u dhibayay ihtimaam la’aanta aan u haya caruurteenna mar walbana wuu igu canaanantaa laakiin hubka aan isku daafaco ayaa ahaa oohin iyo inuusan ogayn waxa guriga ka socda intuu ka maqanyahay, see baad saas ii odhan kartaa.

Aan soo gaabshee INTERNETKA intaan guriga la soo galin ka hor ninkaygu guriga ka maqanyahay waxaan la hadli jiray tobanaan jeer inaan maqlo codkiisa oo kaliya. Hadana internetka ka dib inaan is maqli wayno oon la hadlo maraan dan wayn aan ka leeyahay oo kaliya.

Ninkayga waxaa ku dhalatay masayr wayn oo uu u qaaday Internetka laakiin masayrkaan waxaan kula dagaal lami jiray oohin iyo sirta Haweenka iyo xeeladda wayn ee u leeyihiin qancinta nimankeena.

Sidaas ayay nolosheennu ahay muddo ku dhow 6 BILOOD marna kuma soo dhicin ninkayga maskaxdiisa inaan si xun u isticmaalo INTERNETKA. Mudadaas 6 bilood ah ayaa waxaan calaaqo wayn na dhex martay magacyo la soo Bedeshay “Nick Names” aanan garanayn inay niman yihiin iyo inay naago yihiin toona, qof walba oo chat ka ii soo gala si uu iila sheekaysto ayaan la sheekaysanayay xattaa anoo og inuu yahay nin waxaan la sheekaysanayo. Waxaan ka dalbanayay inay iga caawiyaan computerka wax badan ayaan ka bartay oo ku saabsan internetka. Dadkaas mid ka mida ayaa calaaqadeennu aad u waynaatay sababtoo ah wuxuu xirfad wayn u lahaa internetka, mar walba waan la sheekaysanayay dhib walba oo iga soo waajahda computerkana asaan kula ordayay ilaa uu kulankeennii noqday mid yawmi ah oo maalin walba ah. Waxaan jeclaaday sheekadiisa iyo kaftankiisa xidhiidhkeennu inuu sii waynaado ayuu bilaabay maalinba maalinka ka dambaysa. Aniga iyo ninka lagu magacaabo ????? kuna naynaasan –hebal—arrin wayn wayn ayaa na dhex martay wuxuu igu kaday hadalkiisa malab ka ah erayadiisa jacaylka eed moodo inuu Buug ka soo xafiday, laga yaabee in erayadiisu aad aysan u qorxoonayn laakiin shaydaan ayaa malab ii mariyay iiguna qurxiyay si xadka ka baxsan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu iga dalbaday inuu codkayga maqlo wuuna ku adkaystay dalabkiisa ilaa uu igu handaday inuu iga tagayo iskayna ilaawi doono, waxaan isku dayay inaan hor istaago dalabkiisa kana dhaadhiciyo inaanan awoodin laakiiin waan ku guulaysan waayay. Meel dhexe ayaan isugu nimid waan wada hadlaynaa bishaaradi inay noqoto hal wada hadal mar danbana aanan wada hadlin, taleefoon nambarradii ayaan is dhaafsannay. Waan wada hadalnay anooo walwal wayn iyo cabsi igu jirto, laakiin hadalkiisu aad ayuu u macaanaa, waan gariirayay marwalboon maqlo codkiisa waxaan ogaa inuu shaydaan sadex nagu ahaa iina qurxinayay arrintaan, lana dagaallamayay dhawrsanaantayda iyo akhlaaqdayda iyo diiintayda intii ka dhimanayd. Halkaan ayayna ka bilaabatay noloshayda dabaaba´eeda daba gadoonkeedu, qof walboo akhriyaa sheekadaan wuxuu odhan ninkaygu yahay qof dayac badan maqnaashana badan laakiin arrintu waa caksiga shaquu ka soo bixi jiray saaxiibadiisna in badan ma qaban jirin aniga awgay iyo kalinamada oo uu ila nacsanaa.

Maalmo badan markay soo wareegeen ka dib oon macallimad ku noqday INTERNETKA oon maalin walba ku jiri jiray 8 saacadood ilaa 12 saacadood, waxaan bilaabay inaan karaahiyeysto ninkayga joogitaankiisa in badana aan taas ku cataabo kuna booriyo inuu waqtiyada shaqada badsado galbihiiyoo kale uu shaqeeyo si aan oga baxno daynta is fuufuushay ee nalaku leeyahay, run ahaanna hadalkaygii ayuu qaatay saaxiibkii ayuu mashruuc yar kula noqday shirkad, markaa ka dib saacadaha aan Internetka ku jiro intii ayay ka sii bateen.

Calaaqadaydii aan ninkaan internetka iska baranay la lahaa ayaa sii xoogaysatay. Wuxuuna bilaabay inuu iga dalbado inaan is aragno codkayga markuu maqlay ka dib, uma aanan aabayeelayn dalabkiisan kamana hoos qaaday, waxaana ku cataabi jiray ku canaanan jiray dalabkaan uu iga dalbanayo inaan kulanno laga yaabee inaan anba aad u xiisaynayay aragiisa laakiin inaan ana xiisahayga cadaysto waxaa iga hortaagnaa cabsi aan cabsanyo fadeexad ee ma ahayn cabsi aan ilaah.

Dalabkiisii ayuu aad ugu adkaystay aadna iigu ilxaaxiyay inaan is aragno arag oo kaliya aan wax kale ahayn. Waan aqbalay bishaaradi inay ahaato tii ugu horaysay uguna danbaysay, wuxuuna yidhi anba intaas oo kaliyaan doonayaa inaan ku arko oo kaliya wax hadal ahna aanan is dhaafsan. Waxaan filayaa inuu rumaysan waayay inaan ogolaaday ka dib markuu ku dhawaaday quusasho, waxaana ka dareemay inuu farax la kala batay, wuxuu igu qanciyay inuu yahay qof ilaah ka baqaya wax dhibana haba yaraatee aysan xagiisa iga soo gaadhayn uuna ii noqon doono gidaar oo kale intaan wada joogno wax dhib ahna aanan arki doonin,

wuuna ogolaaday shardigii wuxuuna ku dhaartay inaysan arrintu aragti kaliya dhaafin. Waana yeelay. Waa ballan-nay taasoo shaydaan sadex nagu yahay suuqyada waawayn mid ka mida dukaan kaas saacadaas daqiiqadaas. Wuu i arkay ana waan arkay “Shallaytadaydeen ma arkeenaa”!!!!!!!!!!!! wuxuu ahaa nin aad u quruxbadan jidhkiisa iyo dheerarkiisa dhan walba oo jirkiisa ahna waa i cajabisay mudu daqiiqad ka yar daqiiqadaas aan arkay waxaan dareemay inaanan arag ninka qurux badan intaan noolaa, ninkaygu ma foolxumayn mana gaabnayn mana buurnayn laakiin daqiiqadaas waaan dareemay inaanan horay u arag nin ka qurux badan. isna xagiisa ma rumaysan inuu la sheekaysan jiray gabadh sidayda u eeg, wuxuuna ii cadeeyay inuu aragtidayda ku farxay quruxdaydana uuna rumaysan waayay inuu gabadh saas u qurxoon mudadaas la sheekaysanayay, wuxuuna ii jeclaaday sidii wax waalan, wuxuu bilaabay inuu i yaraahdo waan is dilayaa haddaan ku waayo wuxuu kaloo odhan jiray shallaydee waligay kuma arkeenaa waxaan dareemay naagnimo waxaan bilaabay inaan qurux aanan horay isugu tuhmi jirin inaan isku tuhmo xataa guurkayga ka hor.

Ma uusan ogayn in la i qabo ninkaygana uu ilaah caruur iga siiyay. Wada sheekay-sigeenii intaan is aragnay ka dib aad ayuu isu badalay wuxuuna ahaa mid wada sheekaysi jacayl, wuxuuna ogaaday meelaha aan ka nuglahay iyo daciifnimadayda shaydaana waa caawinayay laga aabee inuu hogaanka u hayay. Wuxuu doonay inuu i arko aad ayaan taas u diidanaa mar walbana waxaan xasuusinayay balantuu qaaday, balse naftaydaa aad ayaan oga dareemayay inaan jeclahay inaan arko,laakiin suura gal iima ahayn inaan arko ninkayguna magaalada joogo, aad ayaan isugu sii dheeraanay waa walboo barya waxaana mar walba xasuusinayay in la i qabo caruurna leeyahay. Wuxuu igu yidhi waxaad tahay Xuurl Caynta aduunka. Codkiisa iyo sheekadiisa ayaa waxay ii noqdeen daraag oo kale i qabanaya haddaan saacado moognaado, waxaaan sawirtay anoo hor jooga labadiisa gacmood ku dhex jira see dareemi lahaa.

wuxuu i nacsiiyay ninkayga aan marna arag raaxo dalbaadkayga fulintooda iyo farax galintayda awgeed. Waxaan bilaabay inuu madax xanuun igu dhaco maalin ama laba maalmood hadaan CHAT-ROOM-ka ka waayo waxaan kaloo bilaabay inaaan dareemo masayr hadaan arko sagoo dad kale la sheekaysanaya ma garanyo waxa igu dhacay, waxaan noqday tan aadka u doonaysa una xiisaynaysa. Wuu dareemay inaan ku waashay wuxuuna gartay suu iiga faaiidaysan lahaa wuxuuna falkeeda galay suu maalin kale ii arki lahaa, maalin ma soo maro ilaa wuxuu soo celiyaa dalabkiisii ahaa inaan ku arkaan doonayaa anaa aan diidayo anoo xujo ka dhiganaya waa la i qabaa, isna uu leeyahay ee maxaan samaynaa?? Ma saas baan ku jirnaa ilaa aan murugo u dhimanno?? Ma caqli gal baa inaan is jeclaanno aana awoodi kari wayno xattaa inaan isku soo dhawaannoo??

Qasab waa inuu xal jiraa aan ku kulmi karno si aan ugu wada noolaano hal saqaf hoostii, wax uusan isku dayin ma jirto ana wax walba aan ka diidayo ilaa uu soo gaadhay inuu ii soo bandhigo guur oon ninkaygana ka dalbado furniin si aan isu guursanno, haddaanan saas sameyn inaan is dilo ama waasho ama aan ninkaaga dilo. Run aad ayaan u cabsaday….. laakiin waxbaa xaggiisa ii jiiday ina illowsiinayay ninkayga iyo caruurtaydaba waxaabad moodaa inay fikraddu i cajabisay, mar walbuu ila hadlo waan gariirayay ilkahana isku garaacayay waxaad moodaa in korkayga qabow lagu furay, aad ayaan u wareeray, waxaan dareemay inaan naftaydu ninkayga xabsi ugu jirto Jacaylkaan u hayayna uu dhamaaday waxaan bilaabay inaan aragiisa iyo suu u egyahay aan naco, waan ilaaway naftayda iyo caruurtaydaba

waxaan ka shalaayay oo nacay guurkaygii iyo noloshayda waxaan dareemay kalinimo sidii inaan kali ku ahay. Markuu ogaaday oo hubsaday jacaylka aan u qabo waynankiisa iyo siduu ii hantay wuxuu ii soo bandhigay inaan mushkilo ninkayga ku furo sii wayneeyo mar walba ilaa ii i furo arinkaan horay ugama soo dhicin laakiin markaan maqlay waxaan dareemay inay tahay albaabka kaliye ee ii furan ee aan oga bixi karo waxaan xabsi ahanta u dareemay “ waa la noolaashaha ninkayga”. Wuxuu ii balan qaaday inuu i guursan doono ninkaygu markuu i furo ka dib inuuna farxad iyo nolol tan u wacan ku wada noolaan doono. Arrinkaas sameyntiisu iima fududayn yacni inaan ninkayga ku furu dhibaatooyin ii sababa furniin. Laakiin jacaylka aan ninkaan u qaaday ayaa igala waynaaday run ahaana waxaan bilaabay inaan dhibaatooyin samaysto ninkaygana buuq ku furo maalin walba.

Ninkaygii arinkaan waa u adkaysan waayay wuxuuna bilaabay inuu guriga ka maqnaado intuu ka maqnaan jiray in ka badan ilaa uu gaaray inuu guriga u yimaado jiif kaliya. Xaalkaan ayaan ku jirnay dhowr usbuuc anaa aan mar walba sii abuurayo mushkilado cusub, waqti dheer ayay arintaan qaadatay ninkaygiina waa u samray dhibtaydii.

Ninkii aan khiyaamada isla wadnayna waa i daahsaday wuxuuna iga dalbaday inaan is aragno sababtoo ah waxaa laga yaabaa inuusan ku furin si dagdag ah waa inaan is aragnaa hadii kale ?????. waan ka aqbalay ka noqnoqosho la’aan. Waxaabad moodaa inuu ibliis dabada iga wado go’aamadana ii goynayo waxaana ka dalbaday inuu mudo ii sugo intaan jaanis ka helayo. Maalinkii arbaca ah ayaa ninkaygii i yidhi safar shaqo oo shan maalmood qaadanaya ayaan u baxayaa, farxad ayaa i qaaday waxaana dareemay tanu inay tahay waqtigii aan sugayay.

Ninkaygu wuxuu doonay inuu ii diro reerahayga si intuu maqanyahay aan xaga u sii joogo una soo istareexo. Laakiin waan ka diiday boqolaal cudur daarna waan keensaday inaanan bixi karin. Wuu ogolaaday asoo aad u dhibsanaya safarkii ayuuna u baxay maalitii jimcaha ahayd. Maalitii axadda ayaan wada hadalnay waxaana u sheegay inaan diyaar u ahay is araggii waan ogaa waxaan samanayo inay qatar ahaayeen khalad waynna ahaayeen, laakiin waxaan iraadadayda iyo awoodayda waa ka sareeyeen ilaa aan gaadhay inaanan wax cabsiyaba dareemin. Waan isla baxnay haa run ahaan waan isla baxnay NAFTAYDA AYAAN IIBSHAY. Waan raacay anoo isugu sheekaynaya aad ninka si wacan u soo baratid. Waxaan ku balanay suuqyada midkood, ballantii ayuuna ku yimid. Waxaana fuulay gaadhigiisa waan soconay anagoo magaalada jididkeeda war wareegayna. Waxba ma dareemin inkastoo xoogaaa cabsiya igu jirtay balse waxay ahayd markii ugu horaysay oo aan la baxo nin aan waxba ii ahayn waxa kaliyoo naga dhexeeya ay tahay sheeko 7 bilood oo kaliya socotay oo ahayd chat roomka iyo halkulan oo ahaa daqiiqad in ka yar. Waxaa ka muuqday walwal kan iga muuqda kan ka badan oo aan ka dareemi karay hadalkiisa.

Waxaan ku bilaabay hadalkii.

Ma doonayo inaan in badan ka maqnaado guriga waxaan ka baqayaa inuu ninkayga la soo hadlo ama wax kale dhacaan. Wuxuuiigu jawaabay:- Waayo oga fakaraysaa ha soo hadlee iska daa inuu ku furood ka istreexdid ayaa laga yaabaaye.

Uma bogin sheekadiisa iyo erayaduu isticmaalayo, walwalkii i hayay ayaa igu sii siyaaday. Waxaan ku idhi waa inaadan aad u fogaan ma doonayo inaan guriga in badan ka maqnaado. Wuxuu iigu jawaabay Xoogaa waan soo daahaynaa maxaa yeelay marna si fudud kugu sii dayn mayo waxaa kaliya oon doonayaa inaan xoogaa waqtiya adiga kula qaato ishana kaa buuxsado waxa laga yaabaa in aadan mardanbe ii ogolaan inaan dib kuu arko. Saaas ayay sheekadaydii ku bilaabatay inkastoo walwalkaygu uu sii badanayay saasoo tahay naftaydu waxay sii jeclaysanaysay marwalba inaan la sii joogo. Sheekadeennii waxay bilowday inay u waajahsato xaga romansiga Jacayl, ma garanayo inta saac oon isla joognay xataa ma dareemin jidka aan hayno iyo meeshaan u socono toona.

Waxaan ku baraarugay anoo jooga meel aanan garanayn, mugdi ah una eeg beer lagu nasto, waxaan bilaabay inaan ku qayliyo waa maxay meeshaan aan joogno?! Xagee ii wadaa??.. sakeno gudahood waa gaadhigii oo istaagay iyo nin kale oo albaabka gaadhiga furaya iigana soo bixinaya gaadhiga si xoog ah…….waxaad moodaa wax walba inay sidii il bidhiq u dhacayaa yacni dhaqsaha ……….. waan qayliyay …….. waana ooyey…….bal inaan wax i caawiya arko ……… waxaan gaadhay inaanan maqlin waxay sheegayaan aanan fahmina waxaan dareemay dharbaaxo wajiga la iiga dhuftay iyo qaylo la igu qaylinayo iyo ruxruxid la i ruxruxayo ilaa miyirkii iga tagay cabsida i haysay waynankeeda awgeed. Ma garanayo waxay igu sameeyeen iyo waxay ahaayeen iyo intay ahaayeen toona, laba ka mid ah ayuun baan arkay, wax walba sidii il bidhiqsi ayay igu dhaafayeen. Waxaan ku baraarugay oo ku miyirsaday anoo dhabar dhabar u jiifa dharka intii badnaydna la iga siibay, jiifana qol faaruq ah dharkaygiina la jeexjeexay waxaan bilaabay inaan qayliyo oo aan ooyo korkaygoo dhana wuu wada wasakhaysnaa waxaana filayaa inaan isku kaadshay. sakanno ka dib waaba asagii oo soo galay qoslayana.

Waxaan ku idhi:” ilaahay baan idinku dhaarshaye iska kay sii daaya inaan gurigaygii ku noqdaan doonayaaye”. Wuxuu i yidhi:” Gurigaaga waad ku noqon doontaa, laakiin waxaad iga ballan qaadaa in aadan qofna u sheegin. Hadii kale fadeexad ayay kugu noqon ehelkaaga, hadaad i sheegto ama dacwo igu soo oogtana waxaan ka aargoosan caruurtaada”. Waxaan ku idhi:”Waxaan doonayaa inaan gurigaygii aado oo kaliya qofna u sheegi maayo”. Waxaa iga tanbata cabsidii waxaan dareemayay jidhkayga oo gariiraya mana joojin oohinta intaas uun baan ka xasuustaa wixii dhacay wax kalana ma xasuusto waxaa kaliya oon xasuustaa meeshii markuu iga soo qaaday ilaa uu guriga i keenay waxaa u dhaxaysay 4 saacadood.

Indhuhuu iga xidhay oo gaadhiga ayuuna i soo saaray. Wuxuuna igu tuuray meel u dhow gurigayga. Qofna ima arag anoo saas ah “qaawan”. Gurigaan si dagdag ah u galay, waxaana ku laabtay oohintaydii ilaa ay ilmadii iga dhammaatay. Markaas ka dib ayaa waxaan ogaaday inay i kufsadeen dhiigna iga da’ayay. Waan rumaysan kari waayay waxa igu dhacay iyo waxaan naftayda gacmahayga ugu soo jiiday. Waxaan maxbuus ku noqday qolkayga. Ma arag caruurtaydii, cuntana afkayga kama dagin. Alla hoogayeey Jaxiimaan lugahayga ku raadsaday, saan ka dib muxuu xaalkaygu noqon doonaa. Naftaydaan nacay waxaana isku dayay inaan is dilo naftana iska qaado. Waxan ka baqayaa fadeexada iyo ninkaygu wuxuu i odhan doono. Ha i waydiin caruurtay, waxaan Xataa markuu ninkaygii safarka ka soo noqday wuxuu dareemay is badalka

Wayn ee igu dhacay. Xaalkaygii aad ayuu u sii xumaaday ilaa uu gaadhay inuu isbitaal xoog igu geeyo. Laakiin nasiib wanaag dhakhtarradiii ma ogaan wax igu dhacay. Waxay uun igu arkeen cunto xumo iyo dhiig la’aan. Waxaan ninkayga ka dalbaday inuu ehelkayga ii qaado sida ugu dagdagga badan aan ayaan u ooyay ehelkayguse aysan waxba ka ogayn waxa iga oohinaya. Waxayse iska dhaadhiciyeen in aniga iyo ninkayga mushkilo na dhex taal. Waxaa i soo gaartay inuu aabahay la hadlay ninkayga, balse wax natiijo ah aysan oga soo bixin, sababtooo ah ninkaygu xataa waxba ma ogayn. Qof garanyo lama arko waxa igu dhacay oo ehelkayga ka mid ah. Ehelkayga waxay ii geeyeen nin quraan igu akhriya, ayagoo u haysta in il ama jin igu dhacay.

Xaq uma lihi inaan ninkayga la sii noolaado, waxaana ka dalbaday furitaan, markii hore anaa isla rabay furitaanka, laakiin hada sagaa doonayaa inuu iga istareexo si uu gabadh dhawrsan u guursado iyo anoo ixtiraamayaa caruurtayda aabahood. Xaq uma lihi inaan ku dhex noolaado dadka sharafta leh. Waxa igu dhacayoo dhan waa waxan labadayda gacmood ku sameeyo. Anigaa gacmahayga ku qotay qabrigayga.

Saaxiibka Chat-roomkuna waxaa uu ahaa wiil u gaadhsanaya ana dabinkaan ugu dhacay. Qof walba oo sheekadayda ogaada wuxuu igu sifayn doonaa qof xun ama caqli laawad waxaas iyo wax ka wayn ayaan xaqsadaa, bal rajmi in dhagax la igu dilaan xaqsadaa…….. taasooy tahay waxaan tamaninayaa inaysan ku dhicin gabadh muslimad ah waxa igu dhacay. Waxaan rajaynayaa inuu ninkaygu iska kay cafiyo ceebtaan aan u soo jiiday xaq uma laha caruurtaydana waxaan ka rajaynayaa sidoo kale inay iska kay cafiyaan anaa sabab u ahaa sabab u ahaa sabab u ahaa sabab u ahaa ………. ilaahna waxaan waydiisan danbi dhaaf.

Miyaanan la gaadhin waqtigay waantoomi lahaayeen GABADHAHA ku waalan Chatroom ka IYO INETERNETKA ilaahyna ka baqi lahaayeen. Khaladku ma aha internetka laakiin anaga weeye waxa sida xun u isticmaalaya khayrka ka tagaya xumaantana raadsanaya faaiidadiisu way wayntahay anaguna xumaantaan ka doonaynaa………..ANIGOO AH QOFKA KA SHEEKAYNAYA QISDAN Waxaa hadhay inaan idhaahdo…………wey dhimatay saaxiibtey usbuucyo ka dib ayey dhimatay sirteediina waa la dhimatay ninkeedii oo aan ogaan ayayna dhimatay. aniga oo kaliya ayey ii sheegtay ana inaad ku cimro qaadataan awgeed ayaan idiinku soo wariyay. Ninkeediina ma furin waxaana ogaaday inuu aad oga murgay iyo inuu ka tagay shaqadiisii, uuna fadhiistay guriga si uu u koriyo caruurtiisa. intaa ka dib waxaan dareemay inaysan noloshani ahmiyad saas u sii wayn lahan dhadhana waligeed yeelanayn ilaa daacada ilaahay iyo Rasuulkiisa mooyee.

Ilaahay ha u naxariisto danbi dhaafna Ilaah u waydiiya. aniga oo ah Saxibadeed Marxuumada dhimatay.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments