By: Mastar //  Jun 29 2012 at 7:35 pm //  2,021 Reads  // Wararka Somalia

Amina Muuse oo sharaxaad ka bixisay waxa ay ku kala duwan yihiin 1954-kii iyo 1960-kii oo dalka Somaliya laga taagay calankeena “Daawo”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Wariyada rug-cadaaga ah ee Amina Muuse Wehliye ayaa waxay faah faahin ka bixisay waqtigii gobanimadoonka iyo markii uu dalka uu noqday mid madax-banaan, iyadoo faallo ka bixisay taariikhdii beri-samaadkii ee uu dalka soo shaac baxaayay in uu yahay mid madax-banaan.

Amina Muuse oo ka hawl-gasha Telefishinka Caalamiga ah ee Universal, ayaa waxay sheegtay in calanka Soomaaliya markiisii ugu horeysay laga taagay dalka Soomaaliya, aanu ahayn markii Gobolada Waqooyi ee Somaliya ay ka xuroobeen gumeystihii cadaa ee Ingiriiska (26, June, 1960).

Hase ahaatee laga taagay 12-kii bishii October sanadkii 1954-kii, xilligaasoo uu dalka Soomaaliya ku jiray sida ay xustay Daaqiliya, iyadoo Daaqiliya ku macneysay dal la-doonaayo in madax banaanidiisa la-siiyo, balse lagu ogaanaayo in uu yahay dalka ismaamuli karaaya iyo in kale.

Daawo Amina Muuse oo ka sheekeysaneysa markii ugu horeysay oo dalka laga taagay calankeena


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments