Ciidamadda Alfa Group oo loo-bogay “Daawo Sawirada”
Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay heshay ciidamo cusub oo xoogan, oo ay ugu babac-dhigi kareyso Xarakada Al Shabaab oo ay kula jirto dagaalo xoogan, waxayna wax badan ka caawin doonaan hawl-galada lagu baadi goobaayo Al Shabaab.
Ciidamadda Alpha Group oo ah ciidamo cusub oo muddo sideed bilood kahor ah ku soo biiray Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay Dowladda Soomaaliya ay ka caawinayaan inay sugto ammaanka goobaha ay ka taliso.
Goobaha khatarta ah ee loo-fisho inay ku sugan yihiin dagaal-yahanada Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ay ku soo daadisaa Ciidamadda Alpha Group, waxayna goobahaasi ay saacado gudahood ay kaga dhigaan goobo sugan.
Muddooyinkii ugu dambeysay inta u dhaxeyso Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye oo ahayd meelo ay ku soo bateen weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, ayaa waxay Dowladda Somaliya ay ku soo daadisay Ciidamadda Alpha Group, waxayna ka soo qab qabteen rag badan oo Al Shabaab la-sheegay inay ka tirsan yihiin.
Meelaha sida gaarka ah ay howl galka uga fuliyeen ayaa waxaa ka mid ah daarti ay degenayd Idaacadii afka Shabaab ku hadli jirtay ee Al-Andulus iyo hoyga Saraakiil ka tirsan Shabaab oo agabyo ka soo saareen.
Waxaa maal-mahaan laga nastay weeraradii faraha badnaa ee ay Xoogaga Shabaab ka geysan jireyn inta u dhaxeyso Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, wixii ka dambeeyay markii Ciidamadda Alpha Group ay hawl-galo cul culus ay ka sameeyeen, kuna soo qab qabteen dagaal-yahano badan oo Al Shabaab ka tirsan.
Ciidamadda Alpha Group ayaa waxay deggan yihiin Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana soo tababaray Maraykanka, iyadoo bil walbana ay mushaaraadkoodu bixiso Dowladda Maraykanka, oo iyadu la-dagaalan adag kula jirto argagaxisada.





|
|


Print
