DEG DEG: Askar badan oo ka tirsan Amisom oo goor dhaw lagu laayay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir
Askar badan oo ka tirsan Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ayaa waxay lagu laayay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, iyadoo dhinaca kalana meydadka askartaasi loo-soo qaaday Xaruunta Ciidamadda Amisom ee Xalane.
Gawaari ay la-socdeen Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ayaa waxaa mid ka mid ah qarax miino goor dhaw lagula beegsaday Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Qaraxaan ayaa waxaa si weyn looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxaase xusid mudan in uu gil gilay Degmada Heliwaa, ayna reer Heliwaa soo wajahday xaalad cakiran, kadib markii ay ku soo baraarugeyn qarax ay ka argagaxeyn.
Qaraxa kadib ayaa waxay Ciidamadda Amisom ay fureyn rasaas xoog leh oo ay u kala fureyn afarta jiho, isla-markaana rasaastaasi ayaa waxaa la-sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo ay geysatay, sida ilaa iyo iminka laga warqabo.
Gaariga uu qaraxu la-kacay oo ahaa nooca Taw-ga loo-yaqaano ayaa waxaa laga soo dajiyay meydad badan oo ka tirsan Ciidamadda Amisom iyo kuwo kale oo qaba dhaawacyo culus, waxaana meydadka iyo dhaawacyada askartaan la-keenay Taliska Amisom ee Xalane.
Saraakiisha Dowladda ee ku sugan Degmada Heliwaa ayaa waxay goor dhaw ay xaqiijiyeen in qaraxu uu la-kacay gaariga uu noociisu yahay Taw, oo ay wateen Ciidamadda Amisom, iyagoona ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi ka soo gaaray Ciidamadda Amisom.
|
|


Print
