By: Mastar //  Jun 29 2012 at 11:49 am //  1,542 Reads  // Wararka Somalia

WAR DEG DEG: Afar ruux oo u kala dhashay Canada, Pakistan iyo Philipine oo laga soo qafaashay dalka Kenya

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa goor dhaw uu afduub lama filaan ah uu ka dhacay dalka Kenya, waxaana afduubkaasi geystay rag hubeysan oo Soomaali ah, oo dadkaasi ula soo dhaqaaqay dhinaca Soomaaliya.

Raggaan ayaa waxay goor dhaw ay afduub ka geysteen Xerada Qaxootiga ee IFO oo ku taalla Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxayna dadkaan ay ula soo dhaqaaqeen dhinaca xuduudaha Somaliya iyo Kenya.

Raggaan ayaa waxay dileen nin Soomaali ah oo la-socday shaqalahaan oo u kala dhashay dalalka Canada, Pakistan iyo Philipine, isla-markaana waxay horey u soo wateen gaarigii iyo darawalkii waday, iyagoona ula soo dhaqaaqay dhinaca Soomaaliya.

Xaalad cakirnaan badan ayaa waxay iminka ka taagan tahay Xerada Qaxootiga ee IFO, waxaana iskugu soo baxay dadweyne fara-badan iyo ciidamo xoogan oo u dhashay dalka Kenya, waxaana la-qorsheynaayaa sidii dadkaasi dib looga furan lahaa dableydaasi hubeysan.

Ma-cadda cidda dhabta ah ee afduubkani geysatay, balse waxaa la-ogyahay inay Soomaali ah, hase yeeshee aan la-kala cadeyn karin inay Xoogaga Shabaab ka tirsan yihiin iyo inay ka tirsan yihiin kooxaha burcad badeeda ee Somalida.

Xerada Qaxootiga ee IFO 2 ayay ahayd markii bishii October ee sanadkii hore laga qafaashay laba hablood oo u dhashay dalka Spain, qeyb-na ka ahaa Shaqaalaha Hay’adda MSF Spain ee ka hawl-gala Xerooyinka Qaxootiga ee Dhadhaab.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments