Lixda Saxiixe & Lixda Argagixiso ee la Raadinayo?
inta la xasuusan yahay weligeeg kama dhicin somaliya hogaamiye somaliyeed oo inta fagaare soo istaaga cod dheer kaga dhawaaqa inuu fashilmay ama khaldamay, hogaamiyahaasi ha ahaado mid urur-diimeed amase mid hogaamiye kooxeed,ama mid hogaamiye beeleed , amase mid hogaamiye xisbiyeed ,ama hogaamiye guud (madaxweyne).
Hadaba Su’aashu Waxay Tahay :
Madaxda somalidu miyeysan asalba khaldamin ? Mise dhaqanka soomaalida ayey ceeb iyo meel-kadhac ku tahay in qofku qaladkiisa qirto? Mise khalad ay u jeedaan ayey mid kale oo kadaran ku saxaan? Waa su,aalo runtii u baahan jawaab waafiya iney ka bixiyaan madaxda soomaalidu kuwo hore iyo kuwo haatan joogaba.
Taariikhda ayaa na bareysa wax-qabadka ama fashilka qofkasta oo soo maray hogaaminta Soomaaliya oo hada taas ma doonayo inaan ku dheeraado.. waxaanse jeclahay inan wax iska weydiino xaaladda maanta taagan iyo ragga hor-boodaya.
Laba asbuuc ka hor ayuu Mareykanku soo saaray liiska ragga argagaxisada ah ee uu madaxooda dul dhigay malaayiinta doolar.. Raggaan oo ay haboooneyd iney somalidu iska qabato intaan mareykanba la gaarin ,, waayo rag fashilmay oo u taagan laynta iyo lugooyada ummada Soomaaliyeed.
Waxaa iyaguna jira rag kale oo aan kuwaas ka dhib yareyn oo isku magacaabay LIXDA SAXIIXAYAASHA, oo maalinba meel lagu shiriyo ,raggaan oo badankooda lagu eedeynayo lunsashada hantida ummada iyo iney yihiin rag fashilmay oo mid waliba jeebka ku wato dano u gooniya iyo dowlado shisheeye oo dabada ka riixaya.
Raqda kii dhigay iyo kii la yiri reerka orod caymi, Iyo dhagar-qabahan soo rucleyn iima kala roona.
Hadaba waa su’aale Lixda Saxiixe iyo Lixda Argagaxiso ee la raadinaayo , keebaa u roon Soomaaliya?
Ahmed A.Takar
takar77@hotmail.com
|
|


Print
