Banaan-bax ballaaran oo dhawr saacadood maanta ka soconaaya Magaalada Muqdisho
Banaan-bax culus ayaa wuxuu maanta uu ruxay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana banaan baxaan iskugu soo baxay boqolaal ruux oo ka mid ah shacabka ku dhaqan qeybaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho.
Banaan-baxaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), isla-markaana waxaa lagu taageeraayaa wada-hadalada dhex maray Madaxweyna-yaasha Somaliya iyo Somaliland.
Banaan-baxayaasha ayaa waxay iskugu yimaadeen garoonka kubada cagta ee Stadium Conis oo ku yaalla Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir, waxayna socod dheer ay ku soo mareyn qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, ilaa ay kaga yimaadeen Gurigii Hooyooyinka oo ku yaalla Barxadii Ex Fiyoore.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Somaliya Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, oo banaan-baxayaasha kula hadlay Stadium Conis, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay si weyn u taageerayaan wada-hadalada u bilowday Somaliya iyo Somaliland.
Tarsan ayaa wuxuu ku nuux-nuux-saday wada-hadalada u bilowday Somaliland iyo Somaliya inay dib u soo celineyso sida uu yiri, israacii Gobolada Koonfureed iyo Gobolada Waqooyi ee Somaliya, maxaa yeelay buu yiri waxaa wada hadlaaya madaxdii labada dhinac.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Macalin Nuur, ayaa wuxuu isna soo dhaweeyay wada-hadaladii dhex maray Madaxweyne Shariif iyo Madaxweyne Siilaanyo.
|
|


Print
