By: Mastar //  Jun 29 2012 at 9:55 am //  2,073 Reads  // Wararka Somalia

Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud

  • Share
  • Comments
  • Print Print


1-Su’aal Sheeg Asxaabigii ugu horeeyey ee ku dhashay Magaaladda Madiina isagoo Muhaajir ah?
1-Jawab: Waxa Weye C/Laahi Bin Zubeyr Rc.

2-Su’aal Sheeg Magaca C/laahi Bin Zubeyr Hooyadii?
2-Jawab: Waxa Weye Asma Bintu Abii-bakar Rc.

3-Su’aal Sheeg maxaa lagu naaneesi jiray Asma Bintu Abii-bakar?
3-Jawab: Waxa lagu naaneesi jiray Bidaati Al-nidaaqayn.

4-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhashay C/laahi Bin Zubeyr?
4-Jawab: Wuxu dhashay sanadkii koowaad ee Hijriyadda.

5-Su’aal Sheeg wixii ugu horeeyey ee galla laabta C/laahi Bin Zubeyr?
5-Jawab: Waxay aheyd Candhuuftii Nebigeena (NNKH).

6-Su’aal Sheeg Asma Bintu Abii-bakar markii ay geeriyoneysay Imisa jir bay aheyd?
6-Jawab: Waxay aheyd 100 sano jir.

7-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhashay Ibnu Batuta?
7-Jawab: Wuxu dhashay 25 Febraayo 1304.

8-Su’aal Sheeg wadankee ayuu u dhashay Ibnu Batuta?
8-Jawab: Wuxu u dhashay wadanka Morooko (Marocco).

9-Su’aal Sheeg goorma ayuu geeriyooday Ibnu Batuta?
9-Jawab: Wuxu geeriyooday 1368 -1369.

10-Su’aal Sheeg Caasimadda wadanka Combodia?
10-Jawab: Waxa Weye PHNOM PENH.

11-Su’aal Sheeg Magaca lacagta laga isticmaalo wadanka Combodia?
11-Jawab: Waxa la-yiraahdaa RIEL.

12-Su’aal Sheeg magaalada Boosaaso magacii hore ee loo-aqoon jiray?
12-Jawab: Magaalada Boosaaso waxaa loo-aqoon jiray Bandar Qaasim.

13-Su’aal Sheeg Xeebta jamhuuriyada soomaaliya dhererkeeda waa imisa?
13-Jawab: Xeebta jamhuuriyada soomaaliya dhererkeedu waa 3333 km.

14-Su’aal Sheeg Ururuka midowga Africa goorma ayaa la’aas aasay?
14-Jawab: Ururka midowga Afrika waxaa la-aas aasay sanadkii 1963-dii.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments