By: Mastar //  Jun 28 2012 at 3:36 pm //  4,762 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Haddii aad habeenkii quuro ka jooggi weysay, waxaa lagu helay daawo cajiib ah

  • Share
  • Comments
  • Print Print


khuurada oo ah arin mushaakil weyn ku haysa dad badan oo aduunka ku nool ayaa waxa ay sheegeen culimada sayniska inay ku guuleysteen inay soo saaraan IRBAD lagu mudayo qofka isla markaana ka kaxaynaysa khuurada,

culimada ayaa sheegay in arinta khuuradu ay ku keentay mushaakil badan qoysas badan ama lamaanaha wada nool mararka qaarkoodna keenta inay kala tagaan,

hadaba irbadan ayaa culimadu sheegtay in magaceeda layidhaahdo SNOUR PLACETY waxa aanay ka sameysan tahay maadad la yidhaah SODIAM TATRADIESY.taas oo lagu mudayo gadhka xagiisa sare taas oo ay culimadu sheegeen inay joojinayso khuurada

Sida ay sheegtay jariirada daily mail oo warkan soo tabisay, DR HADY JAZMI oo ah khabiir ku takhasusay cudurada afka,dhagaha iyo cunaha isla markaana madax ka ah koox dhakhaatiira oo ku sugan dhakhtar ku yaala magaalada LIVERPOL ee cariga ingriiska ayaa waxa uu sheegay inay irbadan ku daweeyeen in ka badan 400 oo qof ilaa iminka waxa kale oo dhakhtarkani sheegay inay ragu aad uga khuuro badan yihiin dumarka inkastoo dumarka laftoodu ay khuuriyaan taasoo waa khuurada e ka xaaraan timaynasa hurdada qofka kale waxa aanuu sheegay in khuuradu ay mushaakil badan ku hayso reero badan oo is qaba oo kunool dunida dacaladeeda.waxa kale oo uu sheegay DR JAZMI inuu aad ugu farax san yahay irbadan dawada ah/

Waayo waxaa dadka lagu sameyn jirey camaliyad ama qaliin ayuu yidhi dhakhtarkani.intaa wuxuu kudaray qofka oo hadii qaliin lagu sameeyo aan ka soo kabanaynin mudo tdobaadyo ah halka qofka lagu mudo irbadan cusub uu isla saacad kadib uu shaqadiisa qabsan karo cuntadana uu caadi u cuni karo waxa uuna sheegay inay 70% ay faa,iido u leedahay qofka irbadan cusub.

Waxa kaloo uu sheegay DR JAZMI in la qaadan karo irbadan sanadkii 3 mar oo kaliya iyadoo dadkii lagu daweeyay ay sheegeen inay dawadan shaqeynayso mudada u dhaxaysa labadii irbadoodba,waxa ay jariiradu sheegtay in dhakhtarkani uu meelo badan oo ingiriiska ka mida ka jeediyay muxaadaro uu dadka kaga dhaadhicinayo irbadan.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments