Madaxweynaha Galmudug oo uu wadno xanuun ku soo booday iyo cisbitaal lagula cararay “Wararkii ugu dambeeyay xaaladiisa aqriso”
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Caalin, ayaa waxaa ku soo booday cudurka loo-yaqaano wadno xanuunka, waxaana lagula cararay cisbitaal ku yaalla Magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta.
Madaxweyanaha Galmudug oo ka mid ah Saxiixa-yaasha Roadmap-ka, kana qeyb galaaya shirka ka soconaaya Magaalada Dubai ee looga hadlaayo kooxaha burcad badeeda, ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ku soo booday wadno xanuun.
Madaxweynaha ayaa waxaa markiiba lagula cararay cisbitaal ku yaalla Magaalada Dubai, iyadoo ay xusid mudan tahay in la-sheegay in qaliin deg deg ah lagu sameynaayo Madaxweyne Caalin, si wax looga qabto xaaladiisa caafimadeed.
Mudane Axmed Cawil oo ka mid Xogheynada Madaxweynaha Galmudug, ayaa wuxuu sheegay in Madaxweyne Caalin wadnaha looga sameynaayo qaliin deg deg ah, si buu yiri wax looga qabto xaaladda Madaxweynaha.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in xaalad adag ay soo wajahday Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Caalin, lamana oga waxa ay ku dambeen doonto xaaladiisa caafimadeed, balse Saraakiisha Dhakhaatiirta ee qaliinka ku sameyneysa, ayaa waxay sheegeen inay ku dadaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladda Madaxweynaha.
|
|


Print
