By: Mastar //  Jun 27 2012 at 6:51 pm //  4,836 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Toban Sababood ay Dumarku ku Galaan Naarta‏

  • Share
  • Comments
  • Print Print


1) Haweenta oo ninkeeda aan u abaal gudin

Nabigu (scw) wuxuu maalin u yimi dumarka oo salaad ciid ah tukaday markaas ayuu wacdiyey, waxaa wacdigiisa ku jiray in uu yiri waxaad tihiin kuwa u badan galitaanka naarta, markaas ayaa haweenay nabiga waydiisay maxay tahay sababta ugu badan ee aanu ku galaynaa naarta, wuxuu nabigu ku jawaabay sidan:

تكثرن اللعن وتكفرن العشير

2) Ninkeeda oo ay khayaanto(samayso gogol dhaaf)

Waxaa ka mid ah waxyaalaha haweentu ku gasho naarta in ay xiriir hoose la samaysato nin kale oo ay ka dhacaan waxyaalo xun xun sida zinada iyo wixii la mid ah. Waxaa nabiga laga wariyey xadiis oranaya:

فإذا بيت مبني على بناء التنور أعلاه ضيق وأسفله واسع توقد تحته نار فيه رجال ونساء عراة فإذا أوقدت ارتفعوا حتى يكادوا أن يخرجوا فإذا خمدت رجعوا فيها

3) inay baxdo gabadhu iyadoo aan asturneyn ama dhex gasho rag ajnabi ka ah

Waxaa kale oo sababaha dumarka naarta ku galaan ka mid ah in ay baxdo iyadoo aan asturnayn(tabaruj) ama safar gasho iyadoo aan maxramkeedii wahelin, ama dhex gasho rag ajnabi ka ah. Waxaa nusuusta ku cad haddii ay gabadhu saa samayso in ay u keenayso in ay naar gasho. Wuxuu nabigu xadiith ku yiri:

4) In ay diiddo haddii uu ninkeeda u yeere isaga oo kale dantiisa gaar ahaaneed

Waxyaalaha naarta dumarku ku galaan ayaa waxaa ka mid ah in ay haweento ninkeeda u diido in la yeesho jimaac(danta gaarka ah ee ka dhaxaysa ninka iyo xaaskiisa) iyadoo ayan jirin wax diidayaa in ay sameeyaan sida inay jirran tahay ama caado qabto iyo wixii la mid ah. Wuxuu nabigu (scw) xadiith ku yiri:

إذا باتت المرأة هاجرة فراش زوجها لعنتها الملائكة حت

5) Afka adinka oo ay dadka ku dhibto

Haddii ay haweento ku dhibto ninkeeda iyo dhamaan muslimiinta kale waxay ku galaysaa naarta sababtoo ilaahay (sw) iyo nabigiisa (scw) waxay xarimeen in lagu dhibo muslimiinta af iyo adinba. Wuxuu nabigu (scw) yiri:

عن أبي هريرة قال قال رجل يا رسول الله إن فلانة فذكر من كثرة صلاتها وصدقتها وصيامها غير أنها تؤذي جيرانها بلسانها قال هي في النار

6) In ay had iyo goor sheegto been.

Beentu waxay ka mid tahay waxyaalaha dadku ku galaan naarta, wuxuu nabigu xadiith arintaa kaga hadlaya ku tilmaamay:

وَإِنَّ الْكَذِبَ فُجُورٌ ، وَإِنَّ الْفُجُورَ يَهْدِي إِلَى النَّارِ ، وَإِنَّ الْعَبْدَ لَيَتَحَّرَى الْكَذِبَ ، حَتَى يُكْتَبَ كَذَّا

7) in ay haweentu iska kibriso ninkeeda

Haddii ay haweento iska kibriso ninkeeda oo markay la hadlayso islawayni ula hadasho ama ay ku jeestayso waxay arinkaa ku galaysaa naarta, sida nabigu xadiis ku tilmaamay wuxuu yiri:

يحشر المتكبرون يوم القيامة أمثال الذر في صور الرجال يغشاهم الذل من كل مكان يساقون إلى سجن في جهنم يسمى بولس تعلوهم نار الانيار يسقون من عصارة أهل النار طينة الخبال

8) In ay haweentu badiso argagaxa iyo oohinta aan sharciga ahayn markii masiibo dhacdo, ama qof ka dhinto

In qofku ka caroodo ama ka xanaaqo qadarta ilaahay haddii ku timado sida ninka oo ka dhinta, cunug ka dhinta ama masiibo kale oo ku dhacda. Wuxuu nabigu xadiis ku yiri

النائحة إذا لم تتب قبل موتها تقام يوم القيامة وعليها سربال من قطران ودرع من جرب

9) In ay dadka isku dirto oo ay warka u kala qaado

Ficilada xunxun oo ay dadku ku galaan naarta waxaa ka mid ah in ay dadka u kala qaadaaan wararka si ay isugu diraan waana arrin aad iyo aad halis u ah qofka sameeyana ma galo janada wuxuu ka mid noqdaa dadka naarta galaya. Wuxuu nabigu (scw) xadiis ku yiri:

لا يدخل الجنة قتات

Macnaha xadiisku waa in uu nabigu yiri qofka dadka isku dira oo wararka u kala qaada janada ma galo.

10) in ay haweento cunto Ribada:

Ribadu waxay ka mid tahay waxyaalaha ay dadku naarta ku galaan waana waxyaalaha ay diintu ka digtay in la isticmaano ilahaay wuxuu quraanka ku leeyahay:

الَّذِينَ يَأْكُلُونَ الرِّبَا لَا يَقُومُونَ إِلَّا كَمَا يَقُومُ الَّذِي يَتَخَبَّطُهُ الشَّيْطَانُ مِنَ الْمَسِّ ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُوا إِنَّمَا الْبَيْعُ مِثْلُ الرِّبَا


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments