By: Mastar //  Jun 25 2012 at 4:30 pm //  6,276 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Dhacdo naxdin iyo layaab leh oo ka dhacday dalka Ingiriiska “Daawo Sawirada”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dhacdo naxdin iyo layaab badan ku beertay shacabka u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa waxay ku dhacday wiil yar oo markaas uun dhashay, oo ay labadiisa waalid markii dambe ay ugu magac-dareyn Oliver Morgan.

Oliver Morgan ayaa wuxuu dhashay isagoo aysan jirkiisu ku jirin dhibic dhiig ah, sida ay sheegeen dhakhaatiirta dalka Ingiriiska, waxayna arintaasi keentay xaalad jahwareer badan oo soo wajahday nolosha dhalaankaan.

Muddo 25 daqiiqadood kadib ayuu istaagay wadnaha Oliver Morgan, iyadoo loo-qaatay in uu geeriyooday, kadib markii dhakhaatiirta ay sheegeen inaysan ebid horey u arag cunug dhashay isagoo bilaa dhiig ah, isla-markaana aysan garaneyn, waxa sababay amuurtaan.

Balse waxaa cabaar kadib la-dareemay in uu dhaq dhaqaaq sameynaayo jirka Oliver Morgan, wixii markaasi ka dambeeyay ayaa waxaa lala soo cararay dhiig, laga soo qaaday keydka dhiigga ee dalka Ingiriiska, isla-markaana waxaa lagu guuleystay in dhiigga lagu shubo.

Xaaladda Oliver Morgan ayaa waxay iminka tahay mid wanaagsan, iyadoo dadku ay u maleeyeen inuusan sii noolaan doonin, hase ahaatee waxaa la-dhihi karaa caafimaadkiisu aad buu u wanaagsan yahay.

Oliver Morgan oo dhiigga lagu shubaayo


Oliver Morgan oo dhiig loola soo carara


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments