By: Mastar //  Jun 25 2012 at 3:10 pm //  1,767 Reads  // Wararka Somalia

Al Shabaab oo u hanjabtay Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho “Maxaa loogu hanjabay”?

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xoogaga Shabaab ayaa waxay maanta hanjabaado culus ay u jeediyeen Warbaahinta Magaalada Muqdisho, iyagoona ugu hanjabay inay dhex dhexaad ka noqdaan dagaalada ay kula jiraan Ciidamadda Dowladda iyo Amisom, haddii kalana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Andulus, ayaa wuxuu sheegay inaysan Warbaahinta Magaalada Muqdisho dhex dhexaad ka ahayn siyaasadda dalka ka jirta.

“Warbaahinta gudaha ka hawl-gasha ee Magaalada Muqdisho dhex dhexaad kama aha dagaalada aan kula jirno Murtidiinta iyo Salibiiyiinta, waxaan lee-nahay dhex dhexaad ka noqda, haddii kale arintaasi jawaab ayay ka bixin doonaan Mujaahidiinta” ayuu yiri Abuu Cabdalla.

“Waxay buun buuniyeen marka ay dagaalada soo qaadaan Amisom iyo kuwa Dowladda, waxayna u buun buuniyeen waxaan meeshaba ka jirin, Mujaahidiintana waxay mar walba ay qaadaan dagaalo, waxba kama sheegaan” ayuu sii raaciyay Abuu Cabdalla.

Sheekh Abuu Cabdalla ayaa wuxuu ku hanjabay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan wariye-yaasha Magaalada Muqdisho ka hawl-gala, haddii aysan dhex dhexaad ka noqon dagaalada culus ee ay kula jiraan Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa wuxuu shacabka Somaliyeed uu ku booriyay inay taageeraan Xarakada Al Shabaab, ayna ka qeyb qaataan dagaalada, sida uu sheegay.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments