Dagaal-yahano badan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo u gacan galay Ciidamadda Gaashaan + SAWIRRO
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay maanta ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan dagaal-yahano badan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, kuwaa oo ay u taxaabeen xabsiyada.
Ciidamadda Alpha Group iyo Ciidamadda Nabad Suggida ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay maanta hawl-galo wadajir leh ay ka sameeyeen Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamadaan ayaa waxay hawl-galada ay si gaar ah ay uga fuliyeen guryo ku yaalla Deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaasoo ay degnaayeen Saraakiishii Xarakada Al Shabaab, sidoo kalana ay weerarada ka soo qaadaan Ciidamadda Al Shabaab, kolka ay wadada u galayaan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom.
Hawl-galada oo kuwo saf ballaaran leh ayaa waxaa maanta lagu soo qab qabtay rag ay tiradoodu kor u sii dhaafeyso ilaa kontomeeyo (50 nin), kuwaa oo lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin dagaal-yahanada Al Shabaab.
Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomalaiya ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen niman badan oo ka tirsan buu yiri argagaxisada, isagoo sidoo kalana sheegay inay ku sameyn doonaan baaritaano ilaa ay ka soo taagaan Maxkamad, si loogu qaado buu yiri Sharciga.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Qaadir Maxamed Nuur “Dr Siidii”, ayaa wuxuu sidoo kale uu sheegay in Ciidamadda Nabad Suggida oo ay kaabayaan Ciidamadda Alpha Group, inay gacanta ku soo dhigeen dagaal-yahano fara-badan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, wuxuuna soo jeediyay in Sharciga lagu qaado.


|
|


Print
