By: Mastar //  Jun 25 2012 at 11:05 am //  1,758 Reads  // Wararka Somalia

Dagaalo xoogan oo ka soconaaya duleedka Afgooye, Ciidamadda Dowladda iyo Amisom oo qaaday

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dagaalo xoogan ayaa waxay maanta ka soconayaan duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana Xoogaga Shabaab lagu qaaday dagaalo culus, oo aysan meeshaba ka fileenin.

Dagaalada oo ah kuwo xoogan oo qorsheysan ayaa waxaa wada-qaaday Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaaya Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, isla-markaana dagaalada ayaa waxay yihiin kuwo xoogan.

Dagaaladaan ayaa waxay markii hore ay ka qarxeyn inta u dhaxeyso Degmada Afgooye iyo Deegaanka Laanta Buuro, hase ahaatee Ciidamadda Dowladda iyo Amisom oo dar-dar xoog leh la-soo baxay ayaa waxay ku qabsadeen Laanta Buuro, Muuri iyo Deegaanka Beladul Amiin.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Qaadir Maxamed Nuur (Dr Siidii), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay weli soconayaan dagaalada culus ee xilligaan ka soconaaya duleedka Degmada Afgooye.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu xusay in dagaalada ay wada qaadeen Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaaya Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, isla-markaana wuxuu sheegay inay ku qabsanayaan dhul hor leh.

Dagaalada ayaa waxay xilligaan ku sii fidayaan goobo hor leh oo looga qabsanaayo Xarakada Al Shabaab, mana la-fileenin dagaalada ay maanta wada qaadeen Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaaya Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments