By: Mastar //  Jun 25 2012 at 9:47 am //  1,206 Reads  // Wararka Somalia

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Degmada Afgooye ku sugan eedeymo xasaasi ah u soo jeediyay Dowladda Somaliya

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ee hogaamineysay qorshaha looga saaray Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay eedeymo adag ay u soo jeediyeen Madaxda Dowladda.

Korneel Axmedey Maxamed Nuur oo ka mid ah Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee qabatay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa wuxuu sheegay in Wasiirka Gaanshaandhiga uu ku dhawaaqay hadal been abuur ah.

“Wasiirka Gaanshaandhiga ninka la-lee yahay Xuseen Carab wuxuu ka been sheegay Ciidamadda Dowladda oo iyagu mar walba la-duudsado Xaqii ay u lahaayeen mushaaraadkooda, wuxuuna sheegay in la-siiyay Ciidamadda Dowladda mushaaraadkii ka maqnaa oo dhan, warkaas waa been waa waxba kama jiraan” ayuu yiri Korneel Axmedey Maxamed Nuur.

“Ciidamadda Dowladda ee Degmada Afgooye ku sugan muddo fog ma-helin mushaaraadkii ay u baahnaayeen, waxaa la-siiyay oo kaliya mushaaraad u dhigma hal bil, ee lama siin dhamaanba mushaaraadkii ka maqnaa, ee sidaas haloogu sheego caalamka iyo dadka Soomaaliyeedba, ee yaan been loo-sheegin” ayuu sii raaciyay.

Korneel Axmedey Maxamed Nuur ayaa wuxuu Masuuliyiinta Dowladda uu u sheegay in Ciidamadda Dowladda ay lee-yihiin xaasas iyo caruur, loona baahan yahay sida uu sheegay in mushaaraadkooda la-siiyo, isagoona ku booriyay inaysan ka been sheegin Ciidamadda Dowladda.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyay inay lunsdeen lacag dhan 135 milyan oo dollarka Maraykanka ah, iyadoo Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ku kacaan masuq maasuq noocii ugu darnaa.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments