By: Riwaan Haji //  Jun 25 2012 at 9:01 am //  3,514 Reads  // Wararka Caalamka

Nin si argagax leh u galay xaaska kaliya ee uu qabay “Dhacdo Layaab Leh”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Nin u dhashay dalka Swedan ayaa xaaskiisa faruurta hooe ka jaray kadibna cunay, isagoo uga aar goosanayay kadib markii ay ka dalbatay furiin, wuxuuna intaas oo dhan u sameeyay inaysan dhunkan nin aan isaga aheyn.

Ninkaan ayaa ahaa Ustaad jaamacadeed, waxaana da’diisu eheed 52-jir, wuxuuna ka carooday sida la sheegay kadib markii xaaskiisu ka dalbatay furiin, wuxuuna u sugay sida la sheegay inta ay ka hurudo, kadibna waxa uu mindi uu uga jaray faruurta hoose dibadeedna cunay, waxaa kale uu dhawac ka gaarsiiyay garabka.

Qareenka ustadka ayaa sheegay in arintaan dhan uu u sameeyay in xaaskiisu aysan dib dambe nin kale u shumin, isagoo dhinaca kale cadeeyay in ninkaan uusan rabin marnaba in uu dilo xaaskiisa, waxaana taas daliil u ah, isaga ayaa la xiriiray Poliska wuuna sugayay ilaaa gaariga Ambalaska ka yimaado, waa sheeko cajiib ah.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments