By: Mastar //  Jun 25 2012 at 9:09 am //  1,195 Reads  // Wararka Somalia

Away dhalintii Soomaaliyeed dalkii laqeybsaye dadkiina dhamaade’e?

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed ay kunool dunida dacaladayda waxaan xasuusinaynaa inay cashir ka bartaan waxa ka dhacaaya dalka Masar iyo meelo badan oo dunida kale ah, waxaa xaqiiq ah isbedelada kadhaca dunida waxaa lafdhabar u ah dhalinyaro.

Hadaba su’aashu waxay tahay, maxaa inagu dhacay haddii aynu nahay dhalinyarada Soomaaliyeed oo wax uga bedeli waynay xaaladda dalkayna ee murugsan muddadadheer?

Laga soo bilaabo 1529-kii xilligii Imam Axmed Gurey, dhalinyarada Soomaaliyeed waxay ahaan jirayn kuwo fir fircoon markastana ka shaqeeya wanaaga dalkooda, dadkooda iyo midnimada Soomaaliyeed.

Maantase dhalinyaradii Soomaaliyeed waxay ku kala jiraan kooxo kala wata magacyo iyo mabaadii kala duwan, kooxahas oo aan wax ku falayn wanaaga dadkayna iyo dalkayna.

Haddii aanu nahay dhalinyaradii Soomaaliyeed, maxaa inaga qaaday kartidii aan lahaanjirnay oo inaga dhigay hannaadyo qabaan u ah kooxo danaystayaal ah?

Dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan oogu baaqaynaa inay ka qeyb qaataan kacdoonka Xisbiga Tiir uu kaga duwan dhamaan xisbiyada kale ee siyaasiga ah, todobadaan qodobo ee hoos kuqoran iyo kuwo kalaba:

1) Waa xisbigii ugu horeeyay ee lugu dhawaaqay in uu yahay siyaasi.
2) Waa xisbigii ugu horeeyay ee kahor yimaada nidaamka 4.5 si shaac-soon.
3) Waa xisbiga kaliya oo ayy aas aasayn, hogaankana u hayaan dhalinyaro Soomaaliyeed.

4) Waa xisbiga kaliya oo xubnahiisu intooda badan ay yihiin dhalinyaro.
5) Waa xisbiga kaliya oo xubno kuleh 16 wadan oo dunida kamid ah.
6) Waa xisbiga kaliya oo aaminsan hal kudhiga “U isticmaal wiixii tegay taariikh, maya aargoosi. U isticmaal mustaqbalka in’aad dhisitd, maya in’aad dumisid”.
7) Waa xiisbiga kaliya oo aaminsan in xalka dalkayna loogu raadiyo halkudhiga “Hadaan la-kala roonaan roob mada’o”.

Dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in’ay ka qeyb qaataan kacdoonka ay wadaan dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku bahoobay Xisbiga Tiir, oo ah xisbiga kaliya oo leh qorshayaal cadcad oo lugu badbaadinaayo dalkayna baaba’ay iyo dadkayna tabaaleysan.

Astaanta Xisbiga Tiir

Dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay nala soo xiriiraan si’aan wadajir ugu badbaadino dalkayna iyo dalkayna ku jira xaaladda cakiran.

Nagala Soo Xiriiri website-ka xisbiga Tiir oo ku qoran Afsoomaali iyo English. www.tiir.org

Maamulka Xisbiga Tiir
info@tiir.org
www.tiir.org


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments


Facebook