By: Mastar //  Jun 25 2012 at 7:45 am //  1,452 Reads  // Wararka Somalia

Ciidamadda Amisom oo laga soo saaray dhul ballaaran oo ay horey uga saareyn Xoogaga Shabaab

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ayaa waxaa dib looga soo qabsaday dhul ballaaran oo ay horey uga saareyn Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, iyadoo xilligaan dhulkaasi uu gacanta uu ugu jiro Ciidamadda Xarakada Al Shabaab.

Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom oo Jimcihii la-wareegay Dekada Macmalka ah ee Ceel Macaan, ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay dib ula wareegay Ciidamadda Xarakada Al Shabaab.

Ciidamadda Amisom iyo kuwa Dowladda ayaa waxay iskaga soo baxeyn Ceel Macaan, kadib markii ay goobtaasi ku soo dhawaadeen boqolaal ciidamo ah oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, oo isaga kala yimid qeybo ka mid ah Gobolada Dhexe.

Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom oo u muuqday in goobtaasi looga tiro batay ayaa waxay taasi keentay inay iskaga soo baxaan, waxaana xalay Ceel Macaan ku hoyday Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, oo kulamo kula qaatay dadka Deegaanka.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba Kutukade), oo Saxaafadda la-hadlay ayaa wuxuu ku faanay in Ciidamadda Dowladda iyo Ciidamadda Amisom ay baqdin uga soo baxeyn Deegaanka Ceel Macaan, markii ay arkeyn buu yiri Ciidamadda Mujaahidiinta oo wata Calanka Raayada Tawxiidka.

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa waxay maanta dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran ay ka wadaan Deegaanka Ceel Macaan, halkaasoo ay ka sameysteen dhufeyso ballaaran, oo ay ku doonayaan inay ku difaacdaan.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments