Ahlu Sunna oo shaaca ka qaaday inay duulaano ku qaadeyso Xarakada Al Shabaab
Al Sunada Gobolada Dhexe ayaa waxay shaaca ka qaaday inay duulaano ku qaadeyso Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee Deegaanada Gobolada Dhexe ku sugan, iyadoo dhinaca kalana sheegtay inay sii laba jibaari doonto dagaalada ay kula jirto.
Gudoomiyaha Guddiga Talada ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Sheekh Cumar C/Qaadir Aadan, oo maanta laga maqlaayay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin dagaalo adag oo ay la-galaan Al Shabaab.
Al Shabaab ayaa wuxuu ku eedeeyay in loo-soo diray dadka Soomaaliyeed si buu yiri ay wax-yeelo ugu geystaan, balse arintaasi ayaa wuxuu sheegay inay ka dagaalami doonaan, haddii ay yihiin sida uu sheegay Culima’udiinka Ahlu Sunna Wal Jameeca.
Sheekh Cumar C\Qaadir Aadan ayaa wuxuu ku nuux-nuux-saday in ujeedka Ahlu Sunna uu ku aadan yahay sidii aanu Khawaariijta uga saari laheyn buu yiri Deegaanada Gobolada Dhexe oo dhan, gaar ahaan Deegaanada Gobolka Galgaduud.
Sidoo kale wuxuu xusay in Ahlu Sunna ay dooneyso inay isku fidiso Deegaanada Gobolka Galgaduud oo dhan, si buu yiri aan dadka uga dul qaadno Khawaariijta oo uu kala jeedo Al Shabaab, isagoona ku eedeeyay kuwo dhibaato u geysanaaya shacabka.
Gudoomiyaha Guddiga Talada ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Sheekh Cumar C/Qaadir Aadan, ayaa wuxuu ku baaqay in Ahlu Sunna laga gacan siiyo dagaalada culus oo ay kula jiraan Ciidamadda Xarakada Al Shabaab.
|
|


Print
