Dhacdo amakaag leh oo ruxday Magaalada Muqdisho “Nin Noolow Maxaa Aragti ku Laaban”
Waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Wadajir maalintii shalay aheed ka dhacday dhacdo layaab leh dadkuna ay aad u hadal hayaan taa oo ah Aroosad saacado kadib arooskeeda umushay iyo Ninkii gabadha Umushay qabay oo isna Dalka ka dhooffay.
Arooska labada lamaane ayaa Maalintii qamiista aheed waxa uu ka dhacay Degmada Wadajir iyadoona loo dhigay aroos aad u heer sareeyay kuna baxay lacago badan taa ay kasoo qeyb galeen dad weyne fara badan oo ehelada lamaanhaa iyo dadka dariska ah.
Arooska ayaa sidookale maalinkaa qabsaday xaafad uu arooska ka dhacay iyadoona gawaari aad u fara badan oo nuucyda ugu qaalisan ah arooskaasi lagu galbiyay laamiyadana iyaga oo isdabaha socod ku marayay ta aoo dadka indhahooda soo jiitay.
Arinta layaabka ah ayaa dhacday kadib markii lamaanaha habeen kahor aqal galay Gabadhii aroosada aheed ee shalay subax umushay Saacado kadib aqalgalkeedii iyadoona markii gabadha Umushay uu isna Dalka ka dhoofay ninkii arooska haa ee hal habeen wada hoydeen gacalisadiisa.
Wiilka ayaana la sheegay in si deg deg ah leyn uu sugayay oo Turkiga ah uu usoo baxay markii uu aqal galay iyadoo ugu sii darsantay in ayba Xaaskiisa umusho saacado yar kadib aqalgalkooda taa oo noqotay arin aad loo hadal hayo layaab badana laheed.
Hadal heynta xanta ah ee la isla dhaxmarayo xaafada ay ku aqal galeen lamaanahaan ayaa ah in ay hoos iska farsameesteen maher hoosaadna dhigteen Lamaanahan oo ah kuwa aad u da’yaraa markii uurka soo baxayna la go’aansaday in aroos weyn loo dhigo si maalmo kadib u umusho gaabdha balse saacado kadib ay gabadhii dhashay iyadoo wali xiran taajkii arooska una marsanyihiin Cilaankii iyo sharaxaadii kale ee aroosad loogu tala galay ,wiilkiina uu isna ka dhaqaaqay.
Ma ahan markii ugu horeesay Gabar caruusad ah ay dhasho iyadoona dhoor mar Muqdisho ka dhacday in Habeenkii koowaad ee aqal galka ay umulaan gabdho aroos ahaa taa oo loo aaneeyo maher hoosaadka lagu sii xariiftamo kahor guurka rasmiga ah ay dhalinyaradu sameeso.
Cabdulaahi Xasan Suleemaan Baliil
Baliilkhan10@hotmail.com
|
|


Print
