By: Riwaan Haji //  Jun 24 2012 at 4:59 pm //  4,131 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Nin Somali dilay saxiibtiis, oo 57 jeer tooreey ku dhuftay:

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Zakariya Maxamed, oo ah nin soomali ah oo wadankaan Britian ku jooga magangelyo , oo 57 jeer toorey ku dhuftay Amina Maxamed, oo ay xiriir lahaayeen guri qur ahna ku wada noolaayeen muddo sanad ah, ayaa maxakmad ku talaal wadankan Igrisiiku ku xukuntay xabsi daa’in.

Sakariye ayaa dilka Amina u adegsaday tooreeyo iyo quraarad jabtay. Horey ayuu Zakariye Maxamed oo ah ninka soomaliga ah ee gabadhan dilay dhowr jeer u jirdilay Amina Adan, balse mar kastaba dib ayeey isugu noqon jireen si xirirkoodu halkiisa uga sii socdo.

Dilkan oo ka dhacay koofurta London, ayaa u dhacay si naxdin leh, sida laga soo wairyey booliska iyo dadka kale oo u war haya arintan, oo sheegay in Sakariye uu guriga tagay isagoo sarqaan ah, ka dibna ay is afdhaafeen Amina, markaas ka dibna uu inta tinta qabtay, jiidniin uga soo dhaadhiciyey jaranjaradda guriga, laad iyo feerna isugu daray ilaa eey ka miyir beesho, intaas ka dibna uu tooreyda iyo quraarada gel-geliyey 57 todoba jeer iyadoo miyir la’.

Wararka dhinaca booliska laga helay ayaa intaas ku daraya in uu xitaa markii ay boolisku yimadeen isku ayey in uu dagaal kala hortago, balse markii dambe ay boolisku ku xakameeyeen, bistooladaha nooca korontada ee LESAR GUN loo yaqaano.

Sakariye ayaa goorta uu fal dambiyeedkan ku kacayo wuxuu ku joogay dibadda xabsi-qafiifin looga sameeyey dambiyo uu horey u galay oo ah gacan u gacan qaadidda gabadha ay saxiibka yihiin, halka uu u ballansanaa casharo dhinaca shaqaaqaayinka qoyska ka dhex dhaco ku saabsan, oo horey loogu diray, balse intaan la gaarin xilligoodii ayuu dambigan cusub galay, gabadhiina qudha ka jaray.

Gabadha la dilay, Amina Adan ayaa lagu sheegay in ay ahayd qof shaqeysata aadna u dadaal badan misna si weyn looga yaqaanay TVga Al jaziira xaruuntiisa London oo ay ka ahayd sarkaalad dhinaca waaxad shaqaalaha ka howlgasha.

Dambiya ay soomalida wadanka Ingiriiska ku nool galaan ayaa u daban kuwa dhinaca qoyska, khiyanada dhinaca lacagaha ceyrta iyo kuwo kale.

Video

Read more in English

Qore:
Amina Mussa Wehelie
London.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments