By: Mastar //  Jun 24 2012 at 10:15 am //  6,518 Reads  // Fanka iyo Suugaanta, Wararka Somalia

Kunciil oo fanka ku soo biiray, hooyadii iyo aabihii oo uu laba arrimood ka kala dhaxlay “Daawo”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Kunciil Axmed Cali Cigaal oo wiil fanaan ah ayaa wuxuu ku soo biiray fanka Soomaalida, iyadoona lagu arkay saaxada hobolada Soomaaliyeed, isagoona la-soo shir tagay laba arrimood oo uu ka kala dhaxlay hooyadii iyo aabihii

Kunciil oo ay iska dhaleen fanaanka weyn ee Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal iyo hobolada weyn ee Somaliyeed Maryan Mursal Ciise, ayaa wxuuu si diiran uu ugu soo biiray fanka Soomaalida, isagoona la-soo baxay arrimo lagu gartay inuu yahay wiil fanaan.

Kunciil Axmed Cali ayaa wuxuu la-soo baxay cod lees oranaayo wuxuuba ka dhaxlay aabihii Axmed Cali Cigaal, maadaama uu heesaha uu ugu luqeynaayo astaamaha lagu yaqaano aabihii, ayna dadka Somaliyeed arintaasi u arkeyn mid cajiib ah.

Sidoo kale qaabka uu heesta uu ugu ciyaaraayo ayaa uga egyahay mid ka dhaxlay hooyadii Marysan Mursal Ciise, oo iyadu fanka iy fanaanka Soomaalida ku soo jirtay 40-kii sano ee la-soo dhaafay, sida ay iyadu horeyba u sheegtay.

Daawo Video:


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments