By: Mastar //  Jun 22 2012 at 7:10 pm //  3,381 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Gaari bas ah oo rogman lahaa oo si layaab leh lagu bad baadiyay “Daawo Sawirada”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Gaariga bas oo isugu kala gooshaayay Magaalooyinka Wuxi iyo Hangzhou ayaa waxaa soo wajahday xaalad khatar badan, wuxuuna baskaasi uu ku sigtay in uu rogmado, balse waxaa si nasiib leh ku badbaadiyay nin dhalinyaro ahaa oo baskaasi la-socday.

Baskaan oo ay lee-dahay Shirkadda Zhejiang Changyun Express ayaa wuxuu ka soo baxay Magaalada Wuxi, isagoona ku sii jeeday Magaalada Hangzhou, isla-markaana xilli uu wadada uu saarnaa ayaa waxaa darawalkii baskaan soo wajahday xaalad khatar badan.

Darawalka ayaa waxaa la-sheegay in wax cayayaan ah uu sanka ka galay, iyadoo ay xigtay in darawalkii uu suuxo, isla-markaana wuxuu ku dhex suuxay kursigii uu saarnaa, iyadoo dadku ay si caadi ah u maleynayaan in uu darawalka baska u bado.

Wax yar kadib ayuu baskii uu bilaabay in uu si qal qalooc leh uu u socda, waxaana markiiba arintaasi ku soo dhaqaaqay nin dhalinyaro ahaa oo ka mid ahaa rakaabkii baskaasi la-socday, kaasoo markiiba ku dadaalay in uu badbaadiyo.

Arintaan ayaa waxay noqotay midda loogu hadal-haayo dalka Shiinaha, isla-markaana shacabka Shiinaha ayaa waxay sheegeen in tani ay ku dhacday si kadis ah, laakiin waxaa darawalka looga baahnaa bay yiraahdeen, in uu ficilo muujiyo.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments