Qodobo laga soo saaray Shirkii Saxiixa-yaasha Roadmap-ka uga soconaayay Magaalada Nairobi “Daawo Sawirada”
Saxiixayaasha khariidada dhameystirka kumeelgaarka Soomaaliya, waxay kulan ku yeesheenNairobi, Kenya laga bilaabo 20 ilaa iyo 22 June, 2012 si ay wada xaajood dheeraad ah uga sameeyaan higelinta khariidada dhameystirka kumeelgaarkaSoomaaliya. So gaar ah waxay diiradda u saareen sidii hoey loogu dhigi laahifelinta waxyaabihii ay ku heshiiyeen shirkii Addis Ababa, Thiopia, ee 21diiilaa 23dii May kaasoo looga gol lahaa dedejinta tubta nabadda.
Shirka waxaa sahashay Qaramada midoobay, gaar ahaan u qaybsanaha arrimaha Somalia eeXoghayaha Qaramada Midoobay, Danjire Augustine P. Mahiga.
Shirka Nairobi waxaa ka soo qaybgalay Madaxda Saxiixayaasha Khariidada (RoadmapSignatories), sida Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed, Madaxweynaha DowladdaFederaalka KMG ah (DFKMG) ee Somalia; Mudane Sharif Xassan Sheikh Adan,Af-hayeenka Baarlammanka DFKMG ah ee Somalia,mudane Cabdiweli Maxamed Cali,Rai’sul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya; Mudane Cabdiraxman MaxamedMaxamud (Farole), Madaxweynaha Dowladda Puntland; Mudane Maxamed Axmed Caalin,Madaxweynaha Galmudug; iyo Sheikh Maxamed Maxamud Yusuf (Aw’Libaax), WakiilkaUrurka Ahlu Sunna Wal Jama’a.
1. Protokoolada DhameystirkaKumeelgaarka:
a)Saxiixayaasha Khariidada Dhameystirka Xilliga KMG ah markay ka doodeen dib-u-eegidna ku sameeyeendhameystirka KMG ah oo ay kasoo shaqeeyeen Guddiga Farsmo eeDib-u-eegidda Dastuurka ee lagu soo dhisay heshiiskiiAddis Ababa ee qabsiimay May 21-23, 2012.
Sidaa darted Saxiixayaashu waxay isku raaceen saxiixeena qodobada soo socda:
1.Protokoolka Guddiga Farsamo ee soo xulidda xubnaha
baarlamaanka
2.Protokoolka dhisaya Guddiga sahlaya socodsiinta
hawlaha Farsamo (Technical FacilitationCommittee)
3.Protokoolka dhisaya Ergeda Golaha Ansixinta Dastuurka (National ConstituentAssembly)
4.Protokoolka dhisaya Baarlamaanka Federaalka ee Qaranka Somalia (NationalFederal Parliament)
Sidookale, Madaxweynaha DFKMG ah wuxuu saxiixay Xeer ay goobjoog ka yihiin dhammaanSaxiixayaasha, Xeerkaasoo ogolaanaya Protokoolada kor ku xusan oo dhisayanidaam sharci ah oo lagu dhamaystiro geedisocodka Dastuurka Somalia iyadoo loomarayo ansixin ku meel gaar ah (provisional adoption) ee Dastuurka Somalia ooay u codeenayaan Ergada Ansixinta Dastuurka.
2. Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah
Saxiixayaasha ayaa si wadajir ah u saxiixay nuqulkii ugu dambeeyey ee Qabyo-QoraalkaDastuurka KMG ah oo ay soo dhamaystireen Guddiga Farsamo ee Dib-u-EegidaDastuurka (Technical Revision Committee) ee Addis Ababa. Kani hadda, waxaaweeye, Dastuur KMG ah ee Somalia. Guddiga kor ku xusan magaciisa waxaa loobadalay Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical FacilitationCommittee), waxaana Gudoominaya Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyoDib-u-heshiisiinta ee DFKMG ah.
Intaaan Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah la hordhigin Ergada Ansixinta Dastuurka,Hey’adda IFCC ayaa qaban doonta wacyi-gelin si loo kordhiyo aqoonta Dadweynahaee arrimaha Dastuurka KMG ah, wacyigalin taasoo qaadan doonta muddo dhan4-berri. IFCC ayaa Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah dib ugu celin doonto
Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee), Guddigaasooah Guddiga leh mas’uuliyadda u bandhigidda Ergada Ansixinta ee Qabyo-qoraalkaDastuurka KMG ah.
3. Ergada Ansixinta Dastuurka (NationalConstituent Assembly)
Shirweynaha Ergada Ansixinta Dastuurka ayaa furmi doona 12 July 2012wuxuuna soo xirmi doonaa 20 July 2012. Ergada Ansixinta Dastuurka waxaa la kaladirayaa markii ay soo gabogabeeyaan codeynta ansixinta KMG ah ee Qabyo-qoraalkaDastuurka, ka hor inta aan loogu soo bandhigin Dadweynaha Soomaaliyeedcod-bixin toos ah.
4.Dhisida Guddiyada Dhamaystirka Xilliga KMG ah
Sida ku xusan Heshiiskii Addis Ababa, xubnaha Guddiyada hoos ku qoran ayaa lamagacaabay:
a)Guddiga Farsamo ee Xulida (Technical Selection Committee)
b)Guddiga Dhexdhexaadinta Odayaal-Dhaqameedka (Elders Arbitration Committee)
c)Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee)
d)Xafiiska Xiriirinta ee Saxiixeyaasha (Roadmap Signatories Coordination Office)
Magacyada xubnaha Guddiyada kor ku xusan waxaa lagu soo uruurin doonaa DowladdaFederaalka KMG oo si dhaqso ah ugu soo bandhigi doonto Dadweynaha Somaaliyeed.
5. Wakhtiga ka dhiman Xilliga KMG ah
Saxiixayaasha ayaa si wadajir ugu heelan inay ilaaliyaan wakhtiga kama dambaysta ah ee lagugo’aamiyey Heshiiskii Addis Ababa waxayna si wadajir ah u go’aansadeen in ladhamaystiro Xilliga KMG ah iyo in la hirgaliyo hanaan siyaasadeed oo cusub oowaafaqsan Dastuurka KMG ah oo ay u codeeyeen Ergada Ansixinta Dastuurka.




|
|


Print
