Banki Moon oo sheegay in uu ka walaacsan yahay dadka Soomaaliyeed ee taagta daran
Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa war uu soo saaray maanta oo ku beegan maalinta loo calaameeyay qoxootiga dunidda ayaa sheegay inay aad u bateen qoxootiga ka soo cararaya dalalkooda dalalka caalamka.
In ka badan 42 million oo qof oo ku nool dunidda ayaa ka cararaya dalkooda kuwaas oo raad saaday meel ay ku badbaadaan, in ka badan hal million waxa ay dalalkooda ka carareyn siddeedii bilood ee ugu dambeesay kaliye, kaddib markii dagaallo ay ka dhaceyn dalal ay ka mid yihiin Ivery Cost, Libya, Mali, Soomaaliya, Sudan iyo Syria.
Tiradaas waa kuwii ugu badnaa ee la diiwangaliyo, dadkan ayaa wali aysan kala cadeyn mustaqbalkooda sida lagu sheegay warka ka soo baxay xafsiika Ban-Ki Moon ee New York.
Maalinta qoxootiga dunidda ayaa hal ku dhig looga dhigay in la taageero kuwa ay asiibtay mashaakiilaadka dalalkooda ka taagan.
Halka ugu badan ee qoxooti dunida ay ku xareesan yihin waa dalka Kenya, halkaas oo kala bar Malaayin Soomaali ay ku nool yihiin kuwaas oo siyaabo kala duwan dalka uga cararray sidoo kale dadka soo raaca waxaa ka kala yimaaday dalalka Niger, Mauritania, iyo Burkina Faso kuwaas oo macluul iyo abaar ay bara bixisay.
QM ayaa ku baaqay in la caawiyo dadkan si ay nolashooda u badbaadiyaan, maadama aysan tagi karin dalalkooda oo ay hadda ka taagan tahay colaad ayaa lagu yiri warbixinta ka soo baxday QM.
|
|


Print
